War Deg Deg Ah Ciidamada AMISOM oo Goordhaw Albaabada isugu Dhuftay mid kamid ah Idaacadaha ka howl gala Magaalada….

War Deg Deg Ah Ciidamada AMISOM oo Goordhaw Albaabada isugu Dhuftay mid kamid ah Idaacadaha ka howl gala Magaalada ..  

news

Warar goordhaw naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidmaada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay albaabada iskugu dhufteen idaacada Codka Bartamaha ee ka howlgasha Magaaladaaasi.

Milkiilaha idaacada Codka Bartamaha Axmed Sheekh Nuur Cirra ayaa sheegay in barqanimadii maanta ay ciidama Jabuutiyaan ah ay tageen xarunta idaacada kuna amreen in idacada hawada laga saaro, waxaana uu sheegay in aysan ogeyn sababta dhabta ah ee ciidmaada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay uxereen idaacada , isgoona intaa ku daray in ciidamada AMISOM ay horay u ka xeysteen tafatiraha iyo agaasimaha idaacada oo ay saldhiga gobalka su,aala ku weydiinayaan.

Idaacada Codka Bartmaha ayaa ah idaacad si weyn looga dhageeysto gobalka Hiiraan , waxaana dadka reer Hiiraan si weyn ula dhacsanaayeen qaabka ay wararka usoo tabiso oo ay ku tilmaameen mid dhaxdhaxaad ah oo haqab tirtay baahidi dhanka warbaahinta xurta ah ee shacabka ku nool gobalka Hiiraan gaar ahaa Magaalada Beledweyne ay u hamuun qabeen.

Ugu danbeynti mas,uuliyiin ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in sababta loo xeray idaacada Codka Bartamaha in ay tahay warar ka baxay idaacada oo ahaa dagaal ka dhacay banaanka Magaalada Beledweyne halka lagu magacaabo Ceel-Gaal oo ay soo weerereen dagaal yahanada Al-Shabaabtaa oo ay tabisay idaacada , waxaana ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid sax ah oo dhacay , iyagoo sheegay in wax laga xumaada ay tahay in idaacad loo xero warar xaqiiqa ah oo ay sheegtay.