War Deg Deg Ah Diyaarad waxa ay tahay aan la ogeyn oo Goordhaw kusoo dhacday Buulo Mareer iyo Al-Shabaab oo..

Wararka aan hada ka heleyno Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ee kusoo dhacday diyaarad ilaa hada aan la ogeyn waxa ee tahay.

download

Diyaarada ayaa kusoo dhacday meel Qiyaastii 4-Km ujirta Deegaanka Buulo Mareer oo lagu Magacaabo Beeraha Doonshaha waxaana lagu soo waramayaa in Diyaaradu marka ay soo dhacday ee durba gubatay halkaasna ee ku bur burtay.

Holac iyo Uuro ayaa wali Diyaarada soo dhacday ka baxaya , waxaana gabi ahaan hareeyay halka ee Diyaaradu kusoo dhacday Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo diiday in dadku u dhawaadaan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaarada soo dhacday waxa ee tahay Goob joogayaal ayaa sheegaya in Diyaarada ay tahay Nuuca Basaaska aan duuliyaha wadin ee Dornes-ka

Saraakiil katirsan Al-Shabaab ayaana xaqiijiyay in Diyaaradan soo dhacday ay tahay Diyaarad Nuuca Basaaska ah inkastoo aysan ka hadlin in ay soo rideen iyo in iskeed usoo dhacday iminkana ay hareeyeen goobta ay diyaaradu kusoo dhacday baaritaana wadaan..

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Salaanmedia/Mogdisho