War Deg Deg Ah Magaalada Kismaayo oo Caawa jawi Cusub ku jirta iyo Rasaas laga Maqlayo Xaafado kamid ah Magaalada

War Deg Deg Ah Magaalada Kismaayo oo Caawa jawi Cusub ku jirta iyo Rasaas laga Maqlayo Xaafado kamid ah Magaalada  
Kismaayo2
Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Xaalada Magaaladaasi caawa tahay mid aan fadhin oo laga dareemayo xiligan xiisado iyo kacsanaan.
Wararka kusoo dhacaya Warqabadka Shabkaada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in caawa Magaalada Kismaayo xiliyada qaar laga maqlayo rasaas dhaceysa inkastoo aan si rasmi ah loo heyn waxa ee tahay Rasaasta la maqlayo.

Goob joogayaal kusugan Magaalada Kismaayo ayaa kusoo waramaya in ladareemayo xiisado u dhaxeeya Ciidamada kala taabacsan labada Nin ee Maanta look ala doortay Xilalka Madaxweynaha Jubalans State Sheekh Axmed Madpoobe iyo Barre Hiiraale.

Axmed Madoobe ayaa ah Hogaamiyaha Jabhada Raaskanbooni halka Barre Hiiraale uu isna wato taageerana ka helayo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo garab kusiinaya Barre Hiiraale Siyaasada Gobolada Jubooyinka iyo sidii Dowlada ugu fidi laheed Goboladaasi. 

Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa iyagu kala taageersan labada Nin ee isku heesta in ee yihiin Maaxweynaha Maamulka Jubaland State maantana siyabao kala gadisan loogu doortay Magaalada Kismaayo.

Waxaa cabsi badan laga qabaa in xiisado ka dhashaan Magaalada Kismaayo ee kusuganyihiin ciidamo kala duwan oo ku shaqeenaya siyaasado aad u kala fog , Ciidamada Kenya ee kusugan Kismaayo ayaana lagu eedeeyaa in eesan dhax dhaxaad ka aheyn xaaladaha ka jira Gobolada Jubooyinka .

 

Salaanmedia/Mogdisho