War deg deg ah: Qaraxyo mataana ah oo Muqdisho ka dhacay daqiiqado ka hor iyo warar hor dhac ah oo soo baxaya.

Wararka laga helayo degmada Deyniille ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in meel aan sidaa uga fogeyn irirda Wasaarada Gaashaan-dhigga Soomaaliyeed ay ka dheceen laba qarax oo lala eegtay ciidamada Meleteriga Soomaaliya.

war-deg-deg-ah-160x87
Qaraxyadaan oo daqiiqado isu jiray ayaa waxaa la sheegay in bar-tilmaameedkoodu ahaa askar ku sugan meel dhowr mitir u jirta dhanka Galbeed ee irida Wasaarada difaaca halkaasi oo ay ku leeyihiin bar kantarool oo ay wax ku baaraan.

Qaraxyadaasi oo aan la’ogeyn wali qasraaha ka dhashay ayaa waxaa xigtay rasaas ciidamadu fureen, iyo wadada Warshadaha oo guud ahaan ka xirantay agagaarka dhibku ka dhacay.

Inta badan waxaa dhacda in ciidamada dowlada Soomaaliya ay rasaas furaan marka lala eegto weerarro gaadma ah oo loo adeegsado walxaha qarxa.

Salaanmedia/Mogdisho