War murtiyeedka shirka London

War murtiyeedka shirka London

 7 Mey, 2013, 18:26 GMT 21:26 SGA
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Britain

Shirka London ee dib u dhiska Soomaaliya waxaa uu maanta ka dhacay guriga Lancaster House iyadoo ay wda jir u guddoominayeen UK iyo Soomaaliya, ayna ka soo qayb galeen 54 waddammo iyo hay’ado saaxiibtinimo iyo wada shaqeyn kala dhexayso Soomaaliya.

War-murtiyeedka waxaa lagu yiri” waxaan kulannay waqti muhiim u ah Soomaaliya.

Wararka la xiriira

Sanadkii hore waxaa dhammaaday siddeed sano oo Soomaaliya ku soo jirtay nidaam kumeelgaar ah, waxaana la doortay baarlamaan sidii hore ka sharcyeysan, madaxweyne iyo dowlad.

Ammaanku waa uu soo hagaagayaa iyadoo ciidammada Soomaalida iyo kuwa AMISOM iyo xulafadooda Itoobiya ay magaalooyin ka soo dhiciyeen Al Shabaab.

Tirada weerarrada burcad-badeedda ee xeeabaha Soomaaliya ka baxsan aad ayay hoos ugu dhacday. Macluushii way yaraatay. Qurba joogtii waxay bilawday inay soo noqdaan. Dhaqaaluhu waxaa uu bilaabay inuu soo noolaado.

Shirka caalamiga ah waxaa ka qeybgalayay in ka badan 50 dal iyo hey’ado caalami ah

Hase ahaatee dhibaatooyin badan ayaa harsan. Al Shabaab weli halis ayay ku tahay nabadda iyo ammaanka.

Dastuurku ma dhammaystirna. Burcad-badeedda iyo argagixisadu weli khatar ayay yihiin.

Malaayiin qof ayaa weli ku jira xeryaha dadka barakacay iyo kuwa qaxootiga. Waddanka waxaa ka maqan qaab-dhismeed dowladeed oo horumarsan, iskuullo, isbitaallo, caafimaad, iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya si ay dhibaatooyinkaas wax uga qabato waxay dejisatay qorshe siyaasadeed oo ka kooban lix qodob.

Shirkani beesha caalamku waxay isugu timid inay isku raacdo tallaabooyin wax qabad si loo taageero qorshaha dowladda federaalka ah ee saddex arrimood oo muhiim ah oo kala ah: ammaanka, caddaaladda iyo maamulka hantida ummadda.

Waxaan isku afgarannay in wada shaqeynta Soomaaliya iyo beesha caalamka ay dhisi doonto iskaashigeenna mustaqbalka.

Madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha ayaa la kulmay dhallinyaro Soomaali ah saaka

Beesha caalamka waxaa ka go’an inay hirgelinta qorshaha dowladda federaalka ee Soomaaliya ku taageerto mucaawino habeysan oo joogto ah.

Waxaan soo dhoweynay wada hadallada u bilawday dowladda federaalka ah iyo gobollada.

Waxaan dhiirri gelinnay inay gobolladu si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka si loo sameeyo siyaasad qaran oo waafaqsan dastuurka kumeelgaarka ah.

Waxaan soo dhoweynay wada hadalladii dalka Turkey-ga ay ku yeesheen dowladda federaalka ah iyo Somaliland si ay u caddeeyaan xiriirkooda mustaqbalka. Waxaana aan raalli ka nahay doorka fududeynta ee Turkeygu shirkaas ka qaatay.

Shirku waxaa uu isku raacay in Soomaaliya ay horumar weyn sameysay.

Waxaa loogu hambalyeeyay dhammaan intii ka qayb qaadatay suurta gelinta horumarkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed, dowladda federaalka ah, xubnaha baarlamaanka, bulshada rayidka ah iyo qurbajoogta Soomaaliyeed.

Waxaa la ammaanay sida ay hay’adaha iyo waddammada Soomaaliya la shaqeeya uga go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Waxaana lagu boorriyay inay sii wadaan taageeradaas.

Xigasho bbc Somali