Wargeyska Hubaal oo Helay Liiska Shaqaale Dhinac Ka Raran oo Wasiir Samaale Ku Siyaadiyey Maaliyadda Written by: Keefkeef Published: 15/05/2013 @

Akhri Magacyadda Afartameeyo Shaqaale iyo Derejooyinka Lagu Taxay oo Durba La Rusheeyey

Hargeysa (Salaanmedia)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa Toddobaadkii Hore dhamaadkiisii qaatay shaqaale tiradoodu dhantahay 38 oo iskugu jira Derajooyinka kala duwan ee shaqaalaha dalku kala leeyihiin, isagoo isla Toddobaadkii Horeba iyagoon wax shaqo ah gelin hore laga siiyey mushahaarooyin aan sifo sharci ah loo soo marin. Wasiir Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo sida laga wada warqabo ku jira loollan ama kaambayn uu ugu Ham iyo dig leeyahay sidii uu u gaadhi lahaa kursiga madaxweynenimada Somaliland, ayaa Tallaabadan uu shaqaalaha cusub ku qaatay ka wata Dan gaar ah oo uu uga jeedo sidii uu u beeran lahaa dad uu aaminsan yahay inuu cod kal heli doono.

Haatan oo uu sanadkan cusubi kala badh ku sii dhaw yahay, ayaa waxa fajaciso ku noqotay Guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee maqlay warkan la xidhiidha shaqaalaha cusub ee wasiirku qaatay, iyadoo aanu kala tashan Hay’adaha kale ee ay khusayso, islamarkaana aanu faahfaahin ka bixin habka iyo nidaamka uu dadkan ku shaqaalaysiiyey. Shaqaalahan cusub oo u badan Derajooyinka A, B iyo C-da ayaa aan la garanayn meesha ay ka yimaaddeen iyo sifaha uu wasiirku ugu xalaaleeyey inay ka mid noqdaan shaqaalaha ka hawl gala wasaaradda maaliyadda, iyadoo ilaa iyo haatan cudur daarka kaliya ee loo hayaa uu noqday inay yihiin dhallinyaro lagu shaqaalaysiiyey ujeeddo kaambayn oo kaliya lana Baal mariyey nidaamkii u yaallay habka Hay’ada dalku u qaataan shaqaalaha. Wasiir samaale ayaa isagu hore Afkiisa uga qirtay inay wasaaraddiisu qaadatay dhamaanba wixii shaqaale ah ee ay u baahnayd, ayaa markii uu shaqaalahan cusub wasaaradda mushaharkoodii koobaad ka siiyeyba waxa uu safar ugu kicitimay dalka Itoobiya, isagoo u sii dhaafi doona wadanka UK, waxana wali aan la fahmin sababta uu dad aan wasaaradda hore wax shaqo ah ugu soo qaban ugu qaddimay mushahaarooyin aanay u soo dhididin, waxana warar hoose oo wargeyska Hubaal helay sheegayaan in wasiirka iyo Hawl wadeenada kale ee wasaaraddu isku maan dhaafeen habka loo qaatay shaqaalahan cusub. Arrinta kale ee yaabka iyo lama aragta ku noqotay shacabka reer Somaliland, ayaa ah inay dhamaanba 38-ka shaqaale ee sida Booliga ah wasiir samaale u qaatay ay dhamaantood ka soo jeedaan Gobolka Maroodi jeex, islamarkaana aanu ku jirin Hal qof oo ka soo jeeda Gobolada kale ee Somaliland oo iyagu qaba baahi ka weyn midda taalla caasiamadda. Wasiirka ayaa habkan uu u qaatay shaqaalaha isaga gaarka u ahi waxa ay caddaynaysaa inuu kaliya danaynayo shacabka ku dhaqan Gobolka M/jeex oo aanu wax tixgelin ah siinayn Dalka intiisa kale oo uu wasiir u yahay waxana uu tallaabooyinkan iyo nidaamkan uu dadka u shaqaalaysiinayaa daaha ka faydaysaa inta uu gaadhsiisan yahay Garaadka wasiir samaale oo Haddana hankiisa siyaasadeed ku sheegay mid gaadhsiisan heer madaxweyne. Sida ka muuqata shaxdan Hoose, wasiirka maaliyadda oo uu tartan weyni ka dhexeeyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa haatan u muuqda nin ku mashquulsan dabino hoose oo uu aaminsan yahay inuu ugu quus goyn karo Guddoomiyaha Ruug caddaaga ah kuwaas oo ay ugu horrayso inuu darka shaqada ku horo kumanaan dhallinyaro ah oo ay isku beel yihiin. Guntii iyo Gebagebadii waxa aanu maanta Halkan idiinku soo bandhigaynaa shaxda muujinaysa 38-ka shaqaale ee uu wasiir samaale xilka wasiirnimo ku shaqaalaysiiyey, Derajooyinka ay mushaharaadka ku qaadan doonaan, annagoo ka reebnay Beelaha ama deegaanada ay ka soo jeedaan oo uu Wargeyska HUBAAL helay:

 

 

1. Shucayb Maxamed Axmed A

2. Mustafe Maxamuud Ciise B

3. Aamina Candi Ciidle A

4. Mustafe Keyd Daahir B

5. Sacad Maxamuud Cumar A

6. Khadar Maxamed Warsame B

7. Daaha Cabdi Caydiid A

8. Sarereed axmed cali A

9. c/raxmaan maxamuud cabdilaahi A

10. C/qani maxamed odowaa B

11. Basma cumar sheekh maxamuud A

12. Muxiyadiin maxamed c/laahi A

13. Sahuur maxamed siciid B

14. Khadar cabdi cismaan A

15. Xuseen saalax aadan B

16. Raxma axmed cabdi D

17. Ismaaciil aw-muxumad axdar D

18. Qawrax Cumar Faarax D

19. C/qani boqor Muxumed B

20. Mubaarig cabdilaahi Hure A

21. Cawaale Axmed Xirsi A

22. C/rashiid Cabdi B

23. Cabdinaasir maxamed Daa’uud B

24. Maxamed maxamuud bide B

25. Mustafe maxamed cismaan B

26. Axmed daahir ismaaciil A

27. Xamse daa’uud obsiiye B

28. Khadar cabdi maxamed C

29. Ismaaciil xuseen aw-muuse A

30. Warsame daa’uud cumar A

31. Muxiyadiin cumar cismaan B

32. Suleekha cabdi daa’uud D

33. Keyse jaamac guuleed C

34. Foosiya xuseen axmed A

35. Hana axmed cabdi A

36. C/risaaq ismaaciil jaamac A

37. Mustafe maxamed aadan A

38. Fihiima maxamed gaaxnuug A

 

Source: Hubaal

 

 

Поделиться в соц. сетях