Wariyasha ka Howl-Gala G/Togdheer Oo ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Wargayska Hubaal /Sawiro

(-Burco) Wariyasha ka howl-gala Magalada Burco ee xarunta gobalka togdheer ayaa markii u horaysay ka hadlay weerarkii foosha xumaa ee lagu qaaday xarunta wargaysta Hubaal iyo waliba Tifatiraha Wargayskaasi Mr Caloolay.


waxaana ay wariyashani shir-jaraid oo ay ku qabteen gudaha magalada burco

ay xukumada s/land iyo Hayadaha Xuquuqul insaankaba ugu baqeen in si

degdeg ah Talaabo Sharciga Wafaqsan Looga qaado cidii ka danbaysay

falkani foosha xun.


Wariyashani ayaa ka dhawajiyay in aanay u dul-qaadin karin falalka noocan

oo kale ah ee maalinba maalinta ka danbaysa

lagula kacayo Suxufiyiinta reer S/land.


Ugu horaynba waxa shirkaasi Jaraid ka hadlay Wariye Axmed Muuse Sakaaro.

waxaanu xukumada haysa talada dalka ku Eedeyay inay ka danbaysay

weerarkaasi lagu qaaday xarunta wargayskaasi.

Wariye sakaaro ayaa sidoo kale ka dhawajiyay inay meesha ka baxday xoriyatul qowlkii iyo Dimoqradiyadii ay shegan jirtay S/land.


Waxaana ka mid ahaa Hadaladisii “Warbaahin ahaan waxaanu jecel-nahay in sharciga la horkeeno oo talaabo cad laga qaado.waxa la shegayaa in Telephonadii ugu danbeyay ay dad xidhiidh la lahayeen.hala keeno qofkii baxsadayna.waxaanan ugu baqaynaa in arinkaasi la Mariyo Badhitaan Madax-banaan.waxaanu warbaahin ahaan dalbanayna in la sameyo badhitaan aanu ku qanci-karno hanala tuso.hadii arinkan xukumadu wax ka qaban-waydo waxaanu ugu baqaynaa cid kasta inay soo fara-galiso dhacdadani ugubka ku ah dhaqanka s/land” ayuu yidhi wariye Sakaaro


Wariye Mohamed Awad Mohamed.Mustafe Osman Abdi-raxmaan iyo Cali Daahir oo iyaguna shirkaasi jaraid ka hadlay ayaa xukumada.Wasarada Arimaha Gudaha iyo Talisyada Ciidankaba ka dalbaday in talaabo deg-deg ah laga qaado cidii ka danbaysay falkaasi.


Waxaanay Wariyashani sidoo kale ay falkaasi ku tilmameen wax laga xumaado isla markaasna dhabar-jab ku ah geedi-socodka dimoqradiyada s/land.

Si kastaba ha ahatee maaha markii ugu horaysay oo weerar noocan oo

kale ah lagu qaado Wargaysyada Madaxa-banaan ee ka soo baxa

Magalada Hargaysa.Balse dhawaan ayay ahayd markii weerar noocan

oo kale ah lagu qaaday Xarunta Wargayska Somalilandtoday ee Magalada Hargaysa.

Salaanmedia/Burco