Warsaxaafadeed Guddida Qabanqaabada 18 May ee UK Xuska 18 May ee 22 guurada madax-bannaanida Somaliland

Warsaxaafadeed

Guddida Qabanqaabada 18 May ee UK

Xuska 18 May ee 22 guurada madax-bannaanida Somaliland

18 May 2013 Photo

Guddiga Qabanqaabada xuska 18 May ee 22 guurada madaxbannaanida Somaliland waxay soo abaabushay munaasabad ballaadhan oo loogu dabbaal dagayo munaasabaddan qaaliga ah. Munaasabaddan waxa lagu qabanayaa garoonka Kubbadda cagta ee Barnet football club. Waxaana munaasabadda ka soo qayb geli doona wafti culus oo uu hoggaaminayo Madaxwayne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane  Cabdiraxmaan  Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici)

Dadweynaha reer Somaliland ee UK iyo Yurub waxaanu ku guubaabinaynaa in ay munaasabaddan taariikhiga ah ka soo qayb galaan kuna muujiyaan qarannimadooda iyo wadajirkooda. Munaasabaddu waa mid carruur iyo cirroolaba loogu talagalay soconna doonta galin hore iyo galin danbe.

Goobta xaflada:                               Barnet Football Club, Underhill Stadium,

Barnet Lane, Barnet, EN5 2DN

Wakhtiga                                             1pm – 9pm

Taariikhda                                           Saturday 18 May 2013

Gaadiidka ugu dhaw                      Barnet Tube Station  ( Northern line) 5 daqiiqo oo socod ah ayuu garoonka u jira               

Qiimaha galitaanka xafladda      £10 qofka weyn – £1 carruurta

Wixii kharash ah ee ka soo baxa munaasabadda waxa loogu deeqayaa mashaariic lagu caawin doono caruurta agoonta ah ee Somaliland.

Barnaamijka munaasabaddu wuxuu isugu jiri doonaa ciyaarta kama dambasyta ah ee kubbadda cagta oo dhex mari doonta laba kooxood oo reer Somaliland ah oo kuwada ciyaari doona stadium-ka kooxda badisana koob la guddoonsiin doono, madaddaalo carruurta loogu talagalay, khudbado ay soo jeedin doonaan waftiga Madaxwayne ku xigeenka iyo marti sharaf kale,  gabayo , heeso waddaniya iyo ciyaaro hidde iyo dhaqan ah.

Waxa iyana munaasabadda innagala soo qayb gelli doona qaar ka mid ah  saaxiibada Somaliland ee Baarlamanka Britain iyo marti sharaf kale.

Wixii faahfaahin ah ee Ku saabsan munaasaadda fadlan kala soo xidhiidh tilifoonnada hooos ku qoran ee Guddiga qabanqaabada:

07588570023, 07412157863, 07852740664, 07506150800,  

07957504122, 07506339736, 07951016681

 

Waxaan rajaynayenaa in ummadda reer Somaliland ee UK iyo dhammaan Yurub-ba  munasaabaddan qiimaha  wayn leh soo camiraan si fiicanna uga soo qaybgalaan.  

Waad mahadsantihiin

Guddiga qabanqaabada 18 May ee UK