Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wasiir Duur Oo Qado Sharaf U Sameeyay Oday Dhaqameeyada Iyo Ugaaska Gobolada Awdal/Salal

Wasiir Duur Oo Qado Sharaf U Sameeyay Oday Dhaqameeyada Iyo Ugaaska Gobolada Awdal/Salal

May 24th, 2013 

“Wixii Tabashooyin ah Miiska la yimaada Oo iska Daaya Calankan aad la soo baxaysaan”

Boorame (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal oo uu weheliyo Ugaaska Beelaha Gobolka Awdal Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, waxana ka soo qayb galay madashan Maamulka gobolka, kan degmada iyo masuuliyiin kale.

Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo madasha furay ayaa xusay inay daaran tahay sidii uu wasiirku ula kulmi lahaa odayaasha dhaqanka isaga oo ku guda jira hawlaha shaqo ee uu dalka u hayo, waxana uu wasiirku nagala qayb gali doonaa isaga oo ku mahadsan hormarka ka socda degmada iyo gobolkaba.

Xoghayaha D/Hoose ee Boorama Md. Maxamed Cabdi Xaashi Xamari, oo isaguna ka hadlay halkan ayaa tilmaamay in wasiirku aanu gurmad ahayn balse uu qayb ka yahay safarkani hawlahiisa shaqo ee uu dalka ka hayo.

Badhasaab ku Xigeenka Awdal Mud. Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlay madashan ayaa wasiirka ku soo dhaweeyay gobolka waxana uu yidhi “Wasiir ku soo dhawaw gobolka, gobolku waa nabad, waa hooyadii Somaliland, waa gobolka ugu nabdoon dalka, waxana hubaal ah inay ka socdaan gobolka hormar aad u badan oo aad adiguba soo arki doonto”.

Suldaan. Cabdiraxmaan Jamac Dhawal iyo Suldaan. Sh. Ibraahim Cabdi Riiraash iyo Suldaan. Xaan Xadi Baade oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ay haboonayd in hadalka ay ku horeeyaan xukuumada iyo wasiirka oo marti qaadka lahaa “Waxa ay ahayd inaad hadalka ku horaysaan, waxana hubaal ah in aanay wali wax kala cadayn, hadiise hadalka lanagu soo horaysiiyay waxa ay tahay kalmada nala haboon inaan ka mahadnaqno, waanan ka mahad celinaynaa”.

Suldaan. Ibraahim Dacar Yusuf oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “ Wasiirkii Amniga ayaad tahay ku soo dhawaw Awdal oo nabad ah, ku soo dhawoow meeshii Somaliland lagu dhisay, Wasiir waxa aan kuu sheegaynaa in gobolka tabashooyin badan oo aan si gaar ah kuugu sheegi doono ay ka jiraan, waxana aan kaa codsanaynaa in tabashooyinkaasi aad gaarsiiso Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka marka aad laabato, si dhaqso ahna wax looga qabto”.

Suldaan. Saleebaan Cali Ismaaciil oo isaguna hadlaka qaatay ayaa yidhi “ Wasiir Duur waa nin waxqabadkiisu muuqdo, lamina dafiri karo waxa uu gobolka ka qabtay oo ay ka mid tahay sidi uu uga gurmaday arinta Saylac, waxa aan wasiir kuu sheegayaa in tabashooyinku aanay halkan ku dhamaanayn oo ay badan yihiin, si gaar ah ayaanan kuu fari doonaa, waxase aan sheegayaa hal ka mid ah oo u baahan in halkan lagu sheego taasi oo ah in gobolka wax badan maamulkiisa laga badalay oo badhasaabkii la naga badalay xoghayahana la hadal hayo, waxa aan kaa codsanaynaa in arintaasi XOGHAYAHA ee la hadal hayo dib la noogu dhigo oo aanan lagu dagdagin”.

Wasiirka Arimha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo hadalka qaatay ayaa ka sheekeeyay ahmiyada nabada iyo sida ay lafdhabarta ugu tahay bulshada, Somaliland-na ay ku soo caano maashay nabad.

“Isku xidhka iyo isku soo bandhiga tabashooyinku waxa ay meesha ka saartaa tuhunka iyo tafaraaruqa, inaan idin dhagaystana waa mida aan meesha u imid, waxanse idiin sheegayaa kuwayagii idinka horeeyay ee Xamar tagay waad arkaysaan sida ay faro madhnaan kaga soo laabteen, waxana aan idin leeyahay marka aad tabasho wadaan miiska yimaada oo iska dhaafa Calankan aad la soo baxaysaan,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiir Duur waxa kale oo uu ka marag kacay in gobolka Awdal uu si balaadhan uga qayb qaatay xuskii 18 May ee 22 guuradii Somaliland, waxaanu ku tilmaamay gobolkii kaalinta koowaad galay.

Ugaas Cabdi Rashiis Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo madasha soo xidhay ayaa halkaasi ka duceeyay, midnimona umada ugu baaqay isaga oo u mahad naqay wasiir Duur.

Xigasho Somaliland.org




Leave a Reply