Wasiir Geel-jire Oo U Digay Doonyo Reer Iran Ah oo ku soo xad-gudbay xeebta Somaliland

May 3rd, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay in ay dejin doonaan doonyaha shisheeye ee ku soo xadgudba baddaha Somaliland.

Wasiirka oo maanta u waramayey warbaahinta, ayaa hadalkiisani daba joogaa dagaal toddobaadkii hore xeebaha gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo kallumaysato Iraaniyiina oo hubaysan.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in baddaha Somaliland yihiin bado nabdoon, isla markaana ay uga digayaan doonyaha shisheeye ee ku soo xadgudba in ay la kulmi doonaan jawaab kulul.

Wasiirku oo doonyahaas ka hadlayey waxa uu yidhi “waxay ahaayeen afar doonyood oo ciidamada Puntland xeebahooda ka soo sareen xageena ayay u soo dhaqaaqeen, markii ciidamadeena ku dhawaadeen rasaas ayay kaga soo rideen doonyihii, dabadeed ciidankeenu rasaas ayay ugu jawaabeen ilaa ay ka baxeen baddeena, arrintaasi waa arrin aad iyo aad u culus oo xun markaa ugu horaysa badeena xuduudaheeda waynu ilaalinaa aad iyo aad itaalkeena, laakiin waa markii u horeeyay ee dad tuugo ahi kalluunkeena inay kaluumaystaan, ee marka aan u dhawaano rasaas inagu soo ridaan waa wax cusub”.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaan u sheegaynaa cabasho ayaan gudbin doonaa waxa kale oo uga digaynaa iyaga iyo qayrkoodba haddii mar danbe rasaasi kaga soo dhacdo ciidankeena in aanu dajin doono doonyahaas, ama cid alaale cidii rasaas soo ridaa dagaal weeye, waxaanu doonaynaa in badeenu ku caanbaxday bad nabadeed, ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay cabashooyin ka soo yeedhay kalluumaysatada Maydh oo ka cabanaya qalab la’aan, waxa uu yidhi “waa waxa ina haysta waa qalab la’aan, haday yihiin ka lagu soo qabanayo, haduu yahay ka lagu qaboojinayo, hadduu yahay ka lagu qalayo intuuba way u dhiman yihiin waa waxa ay u samaysan tahay Wasaaradani, waxa aanu ka qabanay way jiraan ayuu yidhi Wasiirku.

Salaanmedia/Hargaysa