Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Hay’ada USAID Ka Fulisay Magaalada Hargeysa

 Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Hay’ada USAID Ka Fulisay Magaalada Hargeysa


May 6, 2013 Hargeysa(SM) – Hay’ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID ayaa maanta laba xafiis oo qalabaysan iyo barnaamij la yidhaahdo mashruuca kobcinta iyo is-kaashiga dhaqaalaha.kuwaasi oo ay maal gelisay hay’ada USAID isla markaana ay fulinayso hay’ada DAI.

Munaasibad loo sameeyay wareejinta agabkan kala duwan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ganacsiga ee magaalada Hargaysa, waxa ka soo qayb gaalay wasiirka ganacsiga C/rasaaq Khaliif Axmed, wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shirre, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, masuuliyiin ka kala socday hay’adaha DIA, USAID, iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Md. C/rasaaq Khaliif Axmed oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay hay’ada USAID wax-qabadka kala duwan ee ay soo gaadhsiisay wasaaradda, waxaanu tilmaamay in hay’ada USAID ay tahay hay’adii ugu waxqabadka ugu badan soo gaadhsiisa wasaaradda ganacsiga.