Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Kormeeray Jidka Weyn ee Hor Mara Madaxtooyada oo Dib u Habaynta laga Wado

Published: 13/05/2013 @13:28

 

Wasiirka Madaxtooyada iyo Maareeyaha Wadooyinka ayaa Kormeer ku Maray Jidka weyn ee Halbawlaha u ah Caasimada Hargeysa oo maalmahanaba Hawlo Shaqo laga waday taas oo maanta inteediii badnayd la Shubay Laami cusub.

Wadadan Cusub ee Laamida ah  ee dib Loo Habeeyey ayaa ah Wadada Hor Martay Madaxtooyada Somaliland Wadadaas oo Dhererkeedu yahay 8 Kilo Mitir iyada oo Hadda la Dhameeyey Qaybta Marta Madaxtooyada Horteeda Wadadan ayaa ah mid La Dhamaystiraayo inta ka Horeysa 18 May.

Salaanmedia/Hargaysa