Wasiirka Madaxtooyadda oo dhaleeceyey kulankii madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha UCID

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka hadlay kulankii madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha UCID

May 13th, 2013

Hargeysa (Salaanmedia)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay kulankii Guddoomiyaha xisbiga UCID London kula yeeshay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden.

Wasiir Xirsi oo Shabakadaha Somaliland ay maanta waydiisay sida uu u arko kulanka Guddoomiye Faysal la yeeshay Madaxwaynaha Somaliya, ayaa sheegay inuu arinkaasi cambaaraynayo, maadaama buu yidhi mowqifka dawladda Somaliland yahay inaan cidna gaarkeeda ula kulmi Karin madaxda Somaliya oo aan ka ahayn dawladda oo uu sheegay in fasax loo siiyay.

Wasii Xirsi oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anigu arinkaasi waan ka soo horjeedaa, mowqifka Somaliland-na waxa weeyaan inaan Somaliya qofna gaarkiisa ula kulmi Karin oo aanay dawladda oo fasax loo siiyay inay la kulanto, kalana kulmi karto wadahadalada oo kaliya.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu soo qaaday “Markaa waxaanu leenahay cid kasta oo gaarkeeda iyo danaheeda ula kulanta waanu ka soo horjeednaa oo waanu dhaleecaynaa” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa laba maalmood ka hor Magaalada London kulan aan ujeedadiisa la ogeyn kula yeeshay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Khaarajiga Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, inkasta oo Faysal oo saxaafada Somaliland arinkaasi waydiisay uu sheegay in kulanku ahaa Salaan, balse aanay jirin arimo siyaasadeed oo ay ka wada hadleen.

Salaanmedia/Hargeysa