Wasiirka Madaxtooyadda Oo safar ku tagy Boorama

May 11th, 2013

news-image1

Hargeysa (SM)- Waxa maanta soo gaadhay magaalada Booraam wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana ay ku weheliyaan wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mud. Maxamuud Bare Garaad iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mud. Cakuse.

Waftiga ayaa markii ay soo gaadheen gobolka Awdal loogu soo dhaweeyay si balaadhan iyada oo a ka qayb qaadanayeen maamulka gobolka Awdal kan degmada Boorama, salaadiin waxgarad culaamu’diin iyo dadwayne aad u tiro badan.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mud. Cabdoo Axmed Aayar ayaa ka waramay ujeedada wafdiga kua soo dhaweeyay gobolka Awdal waxana uu yidhi “ Wasiir ku soo dhawaada gobolka Awdal, waan idin soo dhawaynaynaa, waxana ay tahay wafdigan ujeedada uu u yimid Boorama inuu dhagax dhig yo xadhig ka jaris ku sameeyo wadoda isku xidha Boorama iyo Dila, waana maalin taariikhi ah oo ku suntanaan doonta bilawgii dhamaytirka jidka laamiga ah ee isku xidha labadan degmo.

Wasiir Xirsi ayaa waxa uu xadhiga ka jaray Jidka isku xidha Boorama iyo Dila 3km oo kamid ah, waxana uu isla halkaasi dhagax dhigay 5km oo kale oo jidkaasi dhamaystiri doonta, waxan halkaasi warbixin ku siiyay Maareeyaha hayada SRA ee Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan waxana uu yidhi “ Mudane Wasiir jidkan aad xadhiga ka jaraysaa waa 3km oo ay xukuumadu maal galisay taasi oo ay fulisay hayada Asarda, waxana ay noqonayaa mid wax badan ka tartay baahidii jidadka ee gobolka Awdal, sidoo kale wadadan aad dhagax dhigtay waa 5km oo kale oo dhamaystir u noqonaysta jidka Dila ilaa Borama oo ay baahi badan u qabeen dadka ku nool gobolkani inay helaan”

Sidoo kale Xaaji cabdiqaadir Aadan Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka Hayada ASARADA ayaa waxa uu sheegay in talaabadan maanta la qaadayaa ay tahay mid si gaar ah ay sharafteeda uleeyihiin xukuumada Kulmiye waxana uu yidhi “ Mud. Wasiir jidkan waxa loogu yimid iyada oo aanay xukuumadii Siyaad Bare waxba ka qaban sidoo kale, xukuumadihii dalka isaga daba xigayna wax macno leh kama qaban, maanta waxa aad dhagax dhigaysaa dhamaystirkiisii, waxana ay tanu tahay talaabo guul u ah xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo aan abaal balaadhan u hayno”.

Wasiirka Madaxtooyada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Alxamdulilaah eebe ayaa nagu simay inaan jidkan dhamaytirkiisa maanta dhagax dhigno, waxa aan ku rajo waynahay inuu dhamaan doono, waxana an sheegayaa hashu intan oo kaliya ma aha oo dhamaan mayso balse waxa nooyaala wax qabad badan oo u baahan inaan hiigsano oo ay umadu naga sugayso, isla markaana qayb ka ah waxyaabihii aan balan qaadnay, anaga oo marwalba ku xisaabtamayna tamarta xukuumada hadana waan dadaalaynaa waxqabadkuna waa astaanta xukuumada uu maanta hormuudka u yahay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.”

Markii ay Boorama soo gaadheen ayaa waftigani waxa ay booqdeen biriishka xaafadaha Sh. Cusmaan ee magaalada Boorama oo ay roobabku waxyeeleen isla markaana ay dawlada hoose ee Boorama sheegay inay u maaro wayday, waxana sidan qiray Maayarka Boorama Mud. Saleebaan Xasan Xadi “ Waxa aan idiin balan qaadaynaa inaan waxii tabashooyin ah ee aad noo soo gudbisaan wax ka qabano, waxana aan ku dadaalaynaa inaan waxii naga awood bata xukuumada dhexe kula galgalano, wana sababtaas mida aan u keenay Wasiirada maanta goobtan.

Wasiir Xirsi iyo weftigiisu waxa ay isla duhurnimadii maanta soo booqdeen ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo ay ugu tageen guriga uu ka dagan yahay magaalada Boorama.

Salaanmedia/Boorame