Home Wararka Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Gobolka Gabilay Si Khalada...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Gobolka Gabilay Si Khalada U Qaatay 2500-kiish Oo Ka Mid ah Rashiinkii Deeqda Ahaa.

(SM) Wasiirka warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo hoggaaminayay wafti degaankaas maanta booqday, ayaa sheegay in degaanka Gabilay ku soo khaldameen tiro raashin ah oo aan ahayn kii loogu tallo galay. Hasayeeshe wuxuu Wasiirku cadeeyay in go’aan lagu gaadhay in aan dib looga celin ee ay qaybsadaan dadka degaankaasi. Sidaana wuxuu ku sheegay maruu Saxaadda kula hadlaayay Magaaladda Gabilay, waxaana hadaladiisi kamid ahaa.

“Rashiinkii deeqda ahaa intii Gobolka Gabilay helay runtii masuuliyiintii maalintii dhaweyd halkan keentay ayaan kamid ahaa. Wuxuu qorshuhu ahaa 2500, gawaadhidii oo tagaan ayaanu soo ka xaynay, markii xamaalinta loo diray ee loogu sheegay 2500, ayaa waxaa soo baxay inuu rashiku intaas ka badanyahay. Waxaana dheraad noqday 2500, runtii masuuliyinta Gobolku way soo hadleen waanay soo shegeen, waxaana lagu amray in Gobolku qaato intii uu xaqa u lahaa, wixii kalena lagu xareeyo xarunta Booliska, intaas kadib waxaa suurto galiwayday in rashinkii lasoo raro, kadib dadkii Magaaladda ayaa ku soo toosay waa la siyaasadeeyay, waxana dad sida kuwan masakiinta ah oo kale ayaa lahaa oo uu ka go’ay, waayo waxaa raashinka lagu qaybsaday Markabka dushiisa.”

Wasiirka oo ka hadlaaya go’aanka arrintaas laga qaatay ayaa wuxuu yidhi. “Hadda go’aan ayaa laga gaadhay kaas oo ah in aan dib looga celin Gobolka Gabilay  rashinkaas dheraadka ku ahaa, loona qaybiyo dad degaanka.”.

Ka hor intaanay Safarka ku tagin waftigan Wasiirka Warfaafintu hoggaaminyo, waxaa Saxaafadda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha Gobolka Gabilay oo eedayn u jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka.

SM/Hargaysa/Office.