Wiil Soomaaliyeed oo lagu Dilay Xaafada Penge Bromley ee London

Wiil Soomaaliyeed oo lagu Dilay Xaafada Penge Bromley ee Londan

image 

Waxaa Habeen hore lagu Diley Wiil Somali ah Xafad ku taala Konfor Bari Magalada London oo la yidhaa Penge o ka tirsan Bromley,Wiilkan oo lagu Magcaabi jirey (Marxuun Khadar Xasan Xuseen) da,diisuna aheed 19 Jir oo uu ku Noola Mudada uu Jireyba Xaflada Bromley,Waxaanaa Diley wiil Madow ah isaga oo u Adeegsadey Baastolad isaga oo Madaxa ka Toogtey Rasaastina ay Maskaxda kaga Dhacdey,Laba Sacadood Dabadeed markii  Isbitaalka loola Cararey uu Halkaasi ku Geeryoodey.

Waxaa Baryahan Danbe ku soo Badanayey Dhalinyarada Somaliyeed ee ku Nool Wadanka Uk oo si Gooni Gooniya looguDilayo Xaflada ka tirsan Magalada London tiiyo mudo 30 Cisho ah ee ugu Danbeyey Dhalinyarada lagu Diley Magalada London ay Dhan yihiin  6 wiil,tiiyo lagu kala Diley (Sever Sister,Edmonton,Woolwich iyo Penge ).

Dhawaan ayaay aheed wiil Somali ah oo lagu dilay Xafadda Edmonton ee waqooyiga London wiil Soomaali ah oo 19 jir ,sida ay Qoreen warbaahinta dalka Ingariiska.
Maxamed Xuseen ayaa laga Qaaday Waddada Bounces isagoo Meyd ah kadib markii Xabbad ay uga Dhacdey Wadnaha.

Baaritaan ayaa lagu Ogaaday in Sababta Dhimashadiisa ay keentay xabad uga dhacday Wadnaha, Ilaa hadda lama Qaranayo cidda Toogatay iyo Sababta loo Toogtayba.

Sidoo kale ma jirto cid loo xidhey. Booliska ayaa ka Codsaday Dadkii ka ag Dhowaa Goobta uu Falka ka Dhacay inay la soo Xidhiidhan Booliska.
Gabar lagu magacaabo Albertine Nzeyimana oo ku Nool meel u dhow halka uu Falku ka dhacay ayaa sheegtay inay Maqashay Dhawaqa labo xabbadood iyadoo dhex Fadhisa Qolkeeda.

Kadibna waxay aragtay Qof Dhiig-baxaya oo yaalla Waddada Waxaay sheegtay inay ka xun tahay Geerida Wiilka Somaliga ah. Waxay tiri: “Waxaan ogahay in qof aniga oo kale uu ka Ilmeynayo Geeridiiisa, Hooyo Ilmaheeda uu ka dhintay ayaa ilmeyneysa.”

Waxaa kale oo iyana Jirtey Wiilkaan oo lagu Magacaabo Ibrahim Ali ayaa ahaa 20 jir waxaana lagu Dilay Dagaal iyo Fowdo ka Dhacday xaflad oo ku ka Qayb Galay. Hooyada dhashay Ibrahim oo lagu magacaabo Hindi ayaa Sheegtay inay Dhimashada Wiilkeeda u Sababtahay Shaqo La’aanta haysata Dhalinyarada ku Nool Wadanka Ingiriiska iyadoo ka dalbatay Dawlada Dalkaasi inay da’ayarta u Abuurto Shaqo si uu u Wanaagsanaado Ammaanku.
Afar kaloo dhalinyaro ah ayaa Isbitaalka loo Qaaday Dhawaacyo kasooo Gaaray Dagaalkaasi owgood. Ilaa hada 4 ruux ayaa loo Qabtay inay ku lug lahaayeen dilka Ibrahim  Fadumo oo ah Ibrahim walaashiis ka weyn ayaa sheegatay inuu shaqo doon ahaa waxaana uu ahaa sida ay sheegtay qof himilo sare leh.

Waxaa dad Badani is weydiinayaan maxaa Sababey in Dhalinyaradii Somaliyeed loogu leeynaya Wadooyinka ama Xaflada Magalada London ,Maxaa keeney in Dhalinyaradii Somaliyeed u Dhax Galeen Dagaaladan iyo Fowdadan ku soo badaneysa Bulshadii Somaliyeed.maxaa la Gudboon Waalidiinta ku Nool Dalkan ,sideen uga Gaashamanaa Dhibatadan Horka leh ee inagu soo Badatey,Sideen uga Badbadinaa Jiilka Cusub ee ku Nool Wadankan aynu ku Noolnahay.

Ilaa Hadana lama hayo Ninkii Falkaa Foosha Xun ku kacey oo baxsi ku jira ,waxaa uu Police noo Sheegey in sida ugu Dhakhsaha badan u soo Qabanayaan Ninkaa iyo Cidii kale ee kula Jirtey Falkan Naxdinta leh.

 

Waxanu Allaha Naxariista Badan uga Baryeynaa inuu Janatal Firdawsa ka Waraabiyo; Eheladiisa iyo Qaraabadiisa iyo Asxaabtiisana ka siiyo Samir iyo Iimaan Amiin.

 

 

Wariye

Mohamed Luqman

 Salaanmedia/London