Xaflad Balaadhan oo Somaliland National Library dhaqaale loogu ururinayey oo lagu qabtay Magaalada London + Sawiro

Xaflad Balaadhan oo Somaliland National Library dhaqaale loogu ururinayey oo lagu qabtay Magaalada London + Sawiro

IMG_4554IMG_4464

London 06/05/13 (SM) Galbeedka Magaalada London ayaa lagu qabtay xaflad aad u balaadha oo ahayd soo bandhigida iyo dhaqaale u ururinta Mashruuca balaadhan ee Library ga la rabo in laga hirgeliyo Somaliland (Fundraising Event For Somaliland National Library). Xafladan ayaa lagu qabtay xarunt degmada Harrow Civic Centre.

IMG_4472

Axmed Daahir Cilmi oo ka mid ah hayada ka danbaysay fikrada in la dhiso Somaliland National Library SamoTalis ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu arinkani ugu dhashay iyo marxladahii kala gedisnaa ee ay la soo mareen. Waxaanu ka hadlay nashqada Librarygan yeelanyo dhismahiisa oo ah mid aad looga helay oo ka turjumaya calaamada magaalada Hargeysa ee Libraryga qaybtiisa u horeysa laga hirgelindoono. Axmed ayaa carabka ku dhuftay in Librarygan yahay mid dalka oo dhami leeyahay oo cid gaar ahi yeelan doonin isla markaasna gobolada dalka oo dhan qaybahiisa kale la gaadhsiindoona, iyadoo cid kale oo aan ahayn shacbigeena aan laga sugaynin inay fuliyaan mashruucyadan balaadhan ee Librarygan la rabo in dalka oo dhan lagaga hirgeliyo..

IMG_4513

Dhismaha Library gan ayaa sida ka muuqata noqondoona mid aad u quruxbadan oo dalka qurux iyo cilmi ba ku soo kordhindoona. Axmed ayaa sheegay inay nashqada u samaysay shirkadaha ugu caansan xaga nashqada dalka ingiriiska

IMG_4475

Waxa ka mid ahaa dadkii halkaas hadalada kooban ka jeediyey Safiirka Somaliland ee UK Cali Cawaale, Dr Cabdilaahi Guled, Waxa kale oo iyagu madashan si aad ah uga hadlay Sheekh Siciid iyo Sheekh Dalmar oo labadooduba ku dheeraday muhiimada ay leedahay in laga qaybqaato Mashruucan khayriga ah ee Libraryga lagu dhisayo

IMG_4548

Sheekh Siciid ayaa dadka ka codsday in qof iyo £100($150) la isku qoro intii madasha ku suganyad iyadoo dadkuna ay aad u soo dhoweeyeen oo soo jeedintaas sheekha lala qaatay oo qalinka la wada qaatay oo la isku qoray.

IMG_4482

Halkan ka eeg  warkii oo dhan iyo sawiro