Xafladda lagula kala wareegayay deeqdan isugu jirta lacagta iyo dirayska loogu talo galay xulalka kubadda cagta ee goboladda Somaliland

Xafladda lagula kala wareegayay deeqdan isugu jirta lacagta iyo dirayska loogu talo galay xulalka kubadda cagta ee goboladda Somaliland

 

Hargeysa (SM) – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa deeq isugu jirta qalabka ciyaaraha aduun lacageed waxa uu maanta ka guddoomay shirkadda Dahabshiil.

Xafladda lagula kala wareegayay deeqdan isugu jirta lacagta iyo dirayska loogu talo galay xulalka kubadda cagta ee goboladda Somaliland ayaa waxa ay ka dhacday xarunta wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland.

 

115%; FONT-FAMILY: ?Arial Narrow?,?sans-serif?; FONT-SIZE: 16pt”>Waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Madaxa Xidhiidhka Bulshadda ee Somtel Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi Waxa uu sheegay in shirkaddaha Maataanaha ah ee Somtel iyo dahabshiil ay u taagan yihiin sidii ay bulshadda reer Somaliland ugu soo celin lahaayeen waxyaabo badan.

Waxa uu intaasi ku daray in lacagtaas iyo waliba dirayska loogu talogalay ciyaartooyga Xulalka Goboladda Somaliland ee ka qayb geli doonaa tartanka kubada cagta ee Somaliland ay wax badan u tari doonto.

Madaxa Iibka iyo suuqaynta ee Shirkadda Somtel Iid Muuse Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay shirkadda Somtel ka qayb qaadato horumarinta ciyaaraha Somaliland, balse sanad kasta oo ay qabsoomayaan ay dedaalkooda ugu badan geliyaan sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen Dhalinyaradda reer Somaliland.

 

Waxa uu kula dardaarmay dhalinta ka qayb gelaysa ciyaaraha in ay si habsami ah uga qayb galaan isla markaana ku dedaalaan sidii ay u muujin lahaayeen firficoonaan.

Gabogabadiina Wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa shirkaddaha Dahabshiil Group ku amaanay sida ay uga qayb galayaan horumarka dalka.

Waxa uu xusay ay wax wayn ka tari doonto habsami u socodka ciyaaraha iyo waliba dhiirigelinta.

Waxa kale uu soo jeediyay in shirkaddaha kala ee dalka in ay ka qayb galaan isla markaana ku deydaan shirkadda Dahabshiil Group.

xigasho Hadhwanaagnews

Â