Home Wararka Xisbiga Muacaaridka Ah Ee UCID Oo Qaadacay Diwaangelin Ay Wado Wasaaradda Arrimaha...

Xisbiga Muacaaridka Ah Ee UCID Oo Qaadacay Diwaangelin Ay Wado Wasaaradda Arrimaha Guduhu .

Xisbiga Muacaaridka Ah Ee UCID Oo Qaadacay Diwaangelin Ay Wado Wasaaradda Arrimaha Guduhu .

(SM.Hargeysa )- Xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa adag uga soo horjeestay diwaangelin ay wado wasaarada arrimaha gudaha .

War-saxaafadeed uu soo saaray xog-yaha arrimaha gudaha ee xisbigaas oo nuqul kamid ah uu soo gaadhsiiyay Shabakadda caalamiga ah ee Somalilandtoday.com ayaa u dhignaa sidan:

“Xisbiga UCID waxa uu ugu baaqayaa Komishanka Doorashooyinka, Golayaasha Qaranka iyo Xukuumadduba in ay dadajiyaan samaynta Diiwaangelintii Cod-bixiyayaasha haddii kale Xisbi ahaan aanay ku qancayn Doorasho bilaa Diiwaangelin ah.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga UCID waxa uu u dhignaa sidan:-

Cambaareyn Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland. Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland, meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu la socodsiinaynaa Shacabka reer Somaliland iyo dhamaan inta kale ee danaysa horumarka iyo wanaaga Somaliland arimahan hoos ku qoran :-

• Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Xafiiska Arimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, waxay cadeynayaan in Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ay qorshaynayso in ay samayso Diiwaan gelin Qarsoodi ah, taas oo ay si hoose u waday Wasaaradu in mudo ah.

• Sida wararkani cadeynayaan Diiwaan gelintan qarsoodiga ah ee ay Xukuumadu wado,waxaa loogu tala galay in hadhow loo isticmaalo,Diiwaangelin Doorashooyinka lagu galo, xukuumadu ay ku doodo in aan dhaqaale loo haynin Diiwaan gelin kale.

• Warar si hoose uga soo baxay xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland,waxay cadeeyeen in aanay Xukuumadu ,haba yaraatee doonaynin in la sameeyo Diwaangelin rasmi ah, oo Doorashooyinka lagu galo,ilaa haddana aanay jirin wax talaabo ah oo loo qaaday sidii Diiwaangelinta loo samayn lahaa.

• Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland ,wuxuu si cad Golaha Wakiilada uga hor sheegay in Wasaarada arimaha Gudaha ay wado Diwaan gelin u gaar ah, xeer u fasaxayaana uu jiro, balse arintu intaa ka sii qoto dheertahay.

Haddaba Xafiiska Arimaha Gudaha ee xisbiga UCID,markuu arkay arimaha kor ku xusan, baadhis dheerna ku sameeyey arimahaas Diiwaangelinta, waxaa u cadaatay, xaqiiqsaday in ay jiraan dano gaar oo ay Xukuumadu ka leedahay Diwaan gelinta ay wada Wasaradeeda Arimaha Gudaha, ka dibna waxaanu cadeynaynaa :-

1. In Xisbiga UCID uu si buuxda u qaadacayo Diiwaan gelin kasta oo aan laga talo gelin Xisbi ahaan, Diiwaangelin kasta oo aanu Xisbiga UCID, goob joogayaal ku lahayna, wuxuu u arkaa in ay xaaran tahay, mana aqoonsan doono.

2. Xisbiga UCID, wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Guddiga Doorashooyinka, Xukuumada, Golayaasha, shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba, Madaxdhaqameedyada, Ururada Bulshada ,waxgaradka iyo Mucaaridka kaleba in si deg deg ah ay ugu howlgalaan sidii loo dedejin lahaa Diwaan gelin loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta.

3. Xukuumada, gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha waxaanu uga digaynaa in ay sii wado Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado, taas oo aanu u aragno in ay tahay Diiwaangelin loo adeegsanayo dano gaar ah.

4. Shacabka reer Somaliland way ka wada dheregsan yihiin, dhibaatooyinkii ka dhashay Doorashadii ugu horeysay ee ay qabato Xukuumada hadda jirtaa, welina aan wax xal ah loo helin. Haddaba waxaanu qabnaa Xisbi ahaan in Diwaangelintaa qarsoodiga ah ee ay wado Xukuumadu, gaar ahaan Wasarada Arimaha Gudaha Somaliland in ay ka dhalan karaan dhibaatooyin cusub, oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin, sidaa darteed waxaa haboon in la joojiyo, oo aan la sii wadin ilaa laga wada tashado mucaarid iyo muxaafidba.

Salaanmedia/Hargaysa