Xisbiga UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guurtida

Xisbiga UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Guurtida

May 5th, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa difaacay shir uu dhawaan Guddoomiyahoodu ku baaqay oo uu ugu yeedhay tallo qaran, waxaanay ku doodeen inaanu ahayn shir beeleed.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbigaasi waxaanu u dhignaa sidan:-
“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka waxa uu taagan yahay ilaalinta madaxbanaanida JSL.

Annagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Guurtida 4-tii bishan Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu kaga horjeeday shirkii Qaran ee aanu baaqnay oo aan ahayn Shir beeleed.

Gudoomiyaha waxa uu caddeeyay inuu bad-baadinayo dan beeleed balse Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Qaranimada JSL, dal iyo dad iyo dad wada jira, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale.

Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran oo wada tashi ah iyo beeleed. Markaa maaha inuu Saleebaan xajiimeeyo Xisbiga UCID, ayadoo Guurtidu gabtay hawlahay u xil saarantahay ee ka mid tahay arrinka Saylac, Sool iyo Sanaag.

Dastoorka Qaranka waxa ku cad Kursia uu ku fadhiisiyo Saleebaan inuu yahay ninka Saddexaad ee JSL ee salaanta Qaran la siin karo. Marka uu saleebaan leeyahay annagu maxaanu qabanaynaa shacabka ha u caddeeyo ula jeedada uu ka leeyahay.
Sidaa darteed waxa aanu leenahay inuu Saleebaan Ka waantoobo tallada Dalku waa Taayada.”

Salaanmedia/Hargaysa