Xisbiga Waddani oo ka hadlay Shirkii Soomaaliya loo qabtay…

“Wakiiladu waxay ku guul daraysteen in ay sameeyaan xeerka caasimadda”

May 8th, 2013 

Xisbiga WADDANI Oo ka hadlay Qodobadii ka soo baxay shirkii London

Haragysa (SM): xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay sida uu u arko shirkii shalay ka dhacay magaalada London ee dawlada Soomaaliya dhaqaalaha loogu ururinayay, waxaanu shirkaasi ku tilmaamay mid aan khusaynin Somaliland bal se uu ahaa mid looga dan lahaa sidii ay beesha caalamku Soomaaliya taageero dhaqaale u siin lahayd.

Xog-hayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed C/laahi Uurcadde oo xalay telefoonka ugu waramay wargeysk DAWAN ayaa xukuumada Somaliland ku hanbalyeeyay mawqifkii ay ka qaadatay shirkaasi ee ahaa in aanay ka qayb gelaynin, waxaanu tilmaamay in aanay Somaliland wax dhibaato ah u arag wixii caawimo iyo taageero ah ay beesha caalamku siinayso dawlada Soomaaliya.

Waxaanu yidhi “annagu waxaanu u aragnaa shirkaasi mid aan khusaynin Somaliland waanan ku hanbalyaynanaa mawqifka ay xukuumada Somaliland iska taagtay shirkaasi ee ah in aanay ka qayb gelaynin, waxaanu ahaa shir Soomaaliya u gaar ah oo aanay Somaliland shaqo ku lahayn, dhaqaalaha loogu yaboohay Soomaaliya wax saamayn ah oo uu ku yeelanayaa Somaliland ma jirto, waxaanan kala nahay laba dal”.

Maxamed C/laahi uurcadde, waxa kale oo uu sheegay in aanay dawlada Somaliland diidanayn in caalamku caawiyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “wixii caalamku la qabanayo Soomaaliya Somaliland wax dhib ah uma aragto, waana dal aanu walaalo iyo jaarba nahay, waxaanan u rejaynanaa Soomaaliya in ilaahay guul gaadhsiiyo”.

Dhinaca kale Xog-hayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa golaha wakiilada Somaliland ku dhaliilay in ay ka baaqsadeen ansixinta xeerka caasimada oo muddo sanado ah horyaalay, waxaanu golaha u soo jeediyay in ay fahmaan ahmiyada xeerkan isla markaana ay qalinka ku duugaan, waxaanu yidhi “golaha wakiiladu waxay ku guul daraysteen in ay sameeyaan xeerka caasimada waanay ka war-wareegayaan, waxaynu nahay dal madaxbanaan oo la yidhaahdo Somaliland aduunyadana ma jiro dal aan xeer caasimadeed lahayn, ilaa dawladii Daahir Rayaale xeerka caasimadu wuxuu horyaalay golaha wakiilada mar horena way celiyeen, caasimadeena waxaa lagaga shaqeeya xeerkii gobolada iyo degmooyinka, kaasi oo simaya degmooyinka yar-yar iyo caasimada sida Salaxlay, Farwayne iyo kuwa la midka ah, waana dhibaato runtii hortaagan horumarka caasimada iyo dalkaba”.

Maxamed C/laahi Uurcadde Xog-hayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu tilmaamay in xeerka caasimada la’aantii aan la shaqayn karin isaga oo golaha wakiilada u soo jeediyay in looga baahan yahay in ay xeerka caasimada si dhakhso ah u meel mariyaan “si qaranimo marka loo eego xeerka caasimada aad ayaa loogu baahan yahay, la’aantiina lama shaqayn karo, waxaan ku guubaabin lahaa golaha wakiilada in ay ajandeyaasha kalfadhiyadoodan kud araan xeerka caasimada, si dhakhso ahna u ansixiyaan, isaga oo golaha wakiiladu muddo aad u dheer indhaha ka qarsanayay isla markaana xeerar kale oo aan muhiim ahayn ay meel marinayaan” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Uurcadde.

Salaanmedia/Hargaysa