Xukuumadda Oo Si Adag U Deedefeysey Shir Uu Guddoomiyaha UCID Qaban-Qaabadiisa Boorama Kaga Dhawaaqay

Xukuumadda Oo Si Adag U Deedefeysey Shir Uu Guddoomiyaha UCID Qaban-Qaabadiisa Boorama Kaga Dhawaaqay

April 2,2013 Hargaysa() Faysal Waxaan Leeyahay Meel Fiican Ayey Wax Marayaane Oo Dadka Ugu Dhawdhaw Ee Ka Warhaya Ayaad Tahay, Xukuumadda In La Dhaliilo Waa Waajib Oo Mucaarid Way U Baahan Tahay Toosiya” Wasiir Geeljire
Hargeysa, – Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Somaliland C/laahi Cismaan Geeljire ayaa deedefeeyey shir-wayne qaran oo uu maalintii doraad Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe kaga dhawaaqay Magaaladda Boorama oo uu ku sugan yahay, kaas oo sheegay inaan wakhtigan dalka looga baahnayn shirar ay waa sida uu hadalka u dhigaya ay shaqsiyaad ama Xisbiyo gaar ahi qaban-qaabinayaan. C/laahi Geeljire waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in xukuumadda la dhaliilo oo ay hesho Mucaarid toosiya, isla markaana marka loo baahan yahayna taageera kaas oo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Xuseen ugu baaqay inuu ka waantoobo qabanqaabada shirka uu Iclaamiyey. Wasiirka Kaluumaysiga C/laahi Cismaan Geeljire waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Warbaahinta shalay kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ugu horayna isaga oo ka hadlaya shirka uu Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe doraad Boorama kaga dhawaaqay, waxa uu yidhi “Arintan kale ee la leeyahay Faysal Cali Waraabe wuu ku dhawaaqay waa wax inagu soo noqnoqday laakiin Shir-qaran oo uu Wadankani wakhtigan u baahan yahay oo la yidhaahdo xukuumadaynu ka shiraynaa ma jiro oo sharcina maaha. Mida kale maalin walba Shir-qaran ayeynu ku jirnaa oo golayaal ayeynu leenahay sharci ah, xukumad la doortey ayeynu leenahay oo Xisbiyo sharci ah oo la doortey ayaa dalka ka jira”. Wasiir C/laahi Geeljire isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Xisbiga waxa u banaan inuu Siyaasadiisa sheego oo dhaliisha xukuumadu leedahay sheego oo uu taageerada uu xukuumadda siinkaro bixio khaasatan waliba siyaasada Khaarajigu markay timaado iyo waliba inuu xubnihii shiriyo oo uu mawqifyo soo saaro oo waxaas oo dhami way u banaan yihiin laakiin shirqaran oo hal siyaasi ama hal xisbi inta uu dad meel ku ururiyo uu yidhaahdo xukuumadaynu kaga tashanaynaa oo aan ahayn xubnihiisa dunida meel lagu arkay ma jirto”. Wasiirka Kaluumaysigu isaga oo fariin u diray Faysal Cali Waraabe, waxa uu yidhi “Guddoomiyaha UCID waxa aan leeyahay meel fiican ayey wax marayaane oo dadka ugu dhawdhaw ee ka warhaya ayaad tahay oo maanta Midnimadeena oo aynu xoojino iyo walaalnimadeena oo aynu xoojino ayaa loo baahan yahay, markaa waxaan odhan lahaa waxaas ha la iska dhaafo ku celcelinteeda iyo soo hadal qaadkeeda iyada oo mar walba in xukuumadda la dhaliilo waajib loo baahan yahay ay tahay oo xukuumadu mucaarid way u baahan tahay toosiya, isla markaana in la taageero-na way u baahan tahay laakiin wixii nidaamkii aynu ka soo shaqaynay inaga leexinaya waa inaynu iska ilaalinaa”.