Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashey Furayaasha Cusub Ee Ay Shirkada Telesom Ku Soo Kordhisay Nabaradeeda, Faah Faahin Dheeriyana Ka Bixisay.

(Sm Hargeysa) Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa tafaasiil ka bixisay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mudane Xasan Cumar Hoorri, ayaa galabta soo saaray war-saxaafadeed Uu Nuqul Ka Mid Ahi Soo Gaadhay Xafiiska Wararka Ee Salaanmedia.com Kaasi oo ku sharxaayo fureyaasha cusub ee ay soo kordhisay shirkadda TELESOM.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

 

“Shalay, 8dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga 063 taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku wacyigelinaysay isbedelkan soo kordhay.

Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka.

Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.

 

Ilaa hadda dalkennna waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa innoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka.

Haddaba iyada oo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen Wasiirka iyo madaxda Waaradda Boosaha & Isgaadhsiinta, mar labaad, waxaan halka ka cadeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarka 063 islamarkaana in aanu waxba u dhimmayn qarannimada Somaaliland taasoo dhammaanteen aan u wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda.

Wasaaraddu waxay hore farta ugu godday adeegsiga furaha dal (252) ee ilaa hadda aan la wadaagno Somaaliya kasoo haddii aanu si dhakhso ah looga xadhig furan, dhowaan, keeni doona innaga xidhaan xukuumadda Somaaliya ama in ay innagu cashuuraan.

Sidaa darteed, waxay wasaaraddu hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh mudnaanta kowaad ee dalka. Allaa Mahad Leh.”

 

Salaanmedia/Hargaysa




Leave a Reply