Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xukuumadda Somaliland oo Qoraal Garnaqsi iyo Ashkato ah u Dirtey Xoghayaha guud ee QM

Xukuumadda Somaliland oo Qoraal Garnaqsi iyo Ashkato ah u Dirtey Xoghayaha guud ee QM

May 16th, 2013 Comments Off

“Somaliland waxa ay soo jirtay iyada oo ah dawlad gaar ah 22 sano ee u dambeeyay”

“Dawladda Somaliland ma aha wax ka soo baxay qabiil keliya ama dano kooxeed”

Hargeysa (SM) Xukuumadda Somaliland ayaa u dirtay qoraal garnaqsi ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon. Waxaaney ay ku caddeynaysay qoraalka badheedhaheeda shirarka caalamiga , marxaladihii Somaliland soo martey iyo mowqifkeeda arrimaha goboleed iyo caalamka, waxa ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Qoraalkaasi Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay uga xun tahay hadallo la sheegay inuu kaga tiraabay ku xigeenka xoghayaha guud Jan Eliasson shirjaraa’id 9 May oo daba joogay shirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu ku xusay qoraalkaasi hadalladii 9-kii May ka soo yeedhay ku xigeenka Xoghayaha guud, ee uu sida mugdigu ku jiro ugu sheegay inay Somaliland kaga qayb gashay shirkii sanadkan iyada oo qayb ka ah Soomaaliya. Taasi oo uu wasiirku sheegay inay tahay mid aan suurtogalba ahayn.

“ Waxa aan dareemayaa inay waajibtay in aan caddeeyo labadaba waxa laga yaabo inay tahay isfaham la’aanta ku saabsan mowqifka Somaliland marka la eego dadaallada caalamiga ah ee dib u dhiska Soomaaliya, iyo sida oo kale go’aankii dawladeyda ee ahaa in aanay ka qaybgalin shirkaasi caalamiga ah.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda u taageeraysaa dadaalada dib u dhiska iyo dejinta jaarkeeda Soomaaliya. Waxa danta qaranka Somaliland ku jirtaa iyada oo ay noqoto Soomaaliya mid leh amni iyo nabadgelyo oo awoodaysa inay la dagaalanto argagixisada iyo xag jirnimada, ka hortagta masiibooyinka, isla markaana tirtirta budhcad badeednimada.

Sidaa darteed, waxa Somaliland ka qaybgashay shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London 2012. Annaga oo aan qayb ka ahayn wefdigii Soomaaliya, balse ku soconna taayada aan leenahay, waxaanu Madaxweynahayagu ka jeediyay khudbad shirkaasi isaga oo ah Madaxweynaha Somaliland.”

Waxa uu soo qaatay dawladda Somaliland iyo muwaadiniinteeda inuu u dhexeeyo biriijka nidaam dimuqraadiyadeed oo ay si aqlabiyad weyn ah ugu codeeyeen aftidii 2001 dastuurka qaran oo caddeynaya inay Somaliland tahay mid madaxbanaan.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay xaqiiqadu tahay inay Somaliland soo jirtay iyada oo ah dawlad gaar ah 22 sano ee u dambeeyay, waxaanu sheegay inay u mahadnaqayaan dhammaanba ciddii gacan taageero u geysata nabada iyo degganaanshaha Soomaaliya, balse ay ku soo biiri karaan oo keliya ka qayb qaatayaasha wada xaajoodka arrimaha noocan ah marka la siiyo meeqaamka ay leedahay Somaliland, sidii dhacday sannadkii 2012.

Qoraalku waxa kale oo uu ka hadlay wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu taabtay in wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee ku qabsoomay Ankara 13 Abril ay keeneen iskaashi muhiim ah oo dhex mara labada dawladood. Waxaana arrintaasi tooshka ku qabtay war murtiyeedkii soo baxay maalintaasi.

“Wada hadalladani marka ay hore u sii socdaana, waxa aan rajaynaynaa inay labadayada dawladood ku heshiin karaan tallaabooyin la taaban karo oo ku wajahan arrimaha labada dhinac walaacinaya ee ay ka mid yihiin xag jirnimada, budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah, qashin qubka, iyo dembiyada kale ee culus. Waxa aan rajaynaynaa in uu wada xaajoodku sida oo kale u keeni karo geedi-socodka nabadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya oo uu diirka ka caddeeyo xidhiidhkooda mustaqbal. Dawladdaydu waxa ay soo dhaweynaysaa ku lug lahaanshaha QM iyo dawladaha xubnaha ka ah sidii ay u fududayn lahaayeen, isla markaana u abuuri lahaayeen jawi raaligeliya wada hadallada, sidaas oo aan gaadhsiinay wefdigii farsamo ee QM markii ay dhawaan ku yimaadeen booqashada Hargeysa.

Qoraaku waxa kale oo uu ka warramayaa taariikhda Somaliland, marxaladihii ay soo martey iyo sida ay aakhirkii dib ugu dhalatey,“Dawladda Somaliland ma aha wax ka soo baxay qabiil keliya ama dano kooxeed. Waase mid sharci ah oo metalaysa dadkii ahaa maxmiyaddii Ingiriiska (British Somaliland Protectorate) ee ka helay xorriyadda 26 Juun 1960 ka hor intaanay iskood ula midoobin shan cisho ka dib Soomaalidii Talyaanigii gumeysan jirey. Kadib soddon sannadood oo lagu hadimeeyay gacmo adag oo ay ku haysay dawladdii dhexe ee Muqdisho, waxa dhacay dagaal sokeeye, waxaana la xasuuqay 50,000 oo ahaa shacib aan waxba galabsan, waxaanay dadka Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadooda 1991. Toban sanno ka dib aftidii la qabtay oo ay qayb ka wada ahaayeen gobollada iyo beelaha Somaliland oo dhami, waxa ay shacbigu ugu codeeyeen aqlabiyad ballaadhan oo ay dib ugu xaqiijiyeen madaxbanaanida dalka, kuna ansixiyeen dastuur qaran oo u siiyay awood dawladdayada xukunka dalka.”

Doorashooyinkii kale dambeeyay ee dalka ka qabsoomay qoraalka xukuumaddu u dirtay QM waxa uu ka yidhi “Tiraba shan doorasho oo u dhacay si dimuqraadi iyo maangal ah ayaan qabsanay oo tan iyo markaana sii caddeeyay sharciyaddani, waxaana dalkani ka abuurmay dhismaha hay’adihii dawladeed oo hawl adag oo lagu guuleystey lagu gaadhay.
Qoraalku waxa uu intaa ku darey; “Marka aan ballanqaadayno in aan sii wadeyno taageerada dadaalada wada jirka ah ee Soomaaliya iyo dawladaha kale kula tacaalayaan wixii handidaya nabadgelyada goboleed iyo amni, waxa aan sidaa u yeelaynaa oo keliya asaasiyan in aanay Somaliland ka ahayn qayb qaab dhismeedka dawladda Federaalka ee hadda wada hadallada u dhexeeyaa ka socdaan gobollada Soomaaliya.

Gabagabadii , waxa uu ugu baaqey QM iyo wakiiladeeda sare in ay ku soo dhaweynayaan in ay ku yimaadaan Somaliland booqasho si ay xaqiiqada u ogaadaan, waxaanu sheegay inay tahay arrin murugo leh inay qaarkood xoghaynta QM aanay si cad oo buuxda ama sax ah uga warbixin xaaladda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa aan si aad ah u jecelahay in aan ku soo dhaweeyo ku xigeenka xoghayaha guud Eliasson iyo wakiilada kale ee QM inay soo booqdaan Hargeysa si ay indhahooda ugu arkaan oo ay markhaati uga noqdaan horumarka jira, waxa kale oo ay fursad siinaysaa in laga wada hadlo sidii ay Qaramada Midoobay iyo dawladda Somaliland u wada shaqeyn lahaayeen, una taageeri lahaayeen dadaalada lagu xasilinayo, laguna horumarinayo gobolka.”

Xigasho Sland.org




Leave a Reply