10 Guurada Aasaaska SONYO Oo Xalay Si Weyn Loogu Xusay Hargeysa Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay

(SM-Hargeysa) – Munaasibad balaadhan oo xalay lagu xusay 10 guurada ka soo wareegtay aasaaska dallada ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xuska 10 guurada aasaaska dalladda SONYO, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada dhalinyarada Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka dib-u-dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), dhowr boqol oo dhalinyaro ah iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Munaasibadan oo ay qayb ka ahaayeen riwaayado iyo ciyaar dhaqano lagu soo bandhigay ayaa waxa ugu horeyn hadal ka soo jeediyay Guddoomiyaha Dalladda SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani, waxaanu ugu salaan u diray guud ahaan dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan sanad guurada 10-aad ee aasaaska SONYO awgeed.

Guddoomiyaha SONYO Mr Mubaarin Taani, waxa kale oo uu si faahfaahsan u sharaxay waxyaabaha SONYO u qabsoomay mudadii ay jirtay, waxaanu tilmaamay in mudadaaasi ay wax badan ka qabteen baahiyaha dhalinyarada siiba dhinaca siyaasada oo uu sheegay inay ku guulaysteen in la meel mariyo sharciga fasaxaya in dhalinyaradu da’da 25-ka kaga qayb-galaan doorashada deegaanka Somaliland, taasi oo uu guul ku sheegay inay dhalinyaro faro badan ku soo baxaan doorashadaasi.

Guddoomiyaha SONYO, waxa uu dawladda iyo hay’addaha caalamiga ah ka codsaday inay ka caawiyaan sidii looga caawin lahaa xarun SONYO leedahay ay dhisanayaan, maadaama buu yidhi aanu 10 sanadood guri kiro ah ku jirnay.

 Waxa kale oo uu isaguna Munaasibada ka hadlay Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo dhalinyarada Somaliland Cali Siciid Rayagl, agaasimaha guud ee dalladda dhalinyarada SONYO, waxaanu dhalinyarada ka waaniyey aafada Tahriibka .

Wasiirkii hore ee Wasaarada warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ka dalbaday in laga qabto aafada Tahriibka, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay dad gudaha caasimada dhexdeeda dhalinyarada ka Tahriibiya.

 Munaasibadan oo ay ka hadleen masuuliyiin uu ka mid yihiin Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu SONYO ku hambalyeeyay sanad guurada 10 ee ka soo wareegtay aasaaskeeda.