Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Hargeysa (SM)- Waxa Jaamacadda Admas ee magaalada Hargaysa lagu qabtay Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhawaynayo safarka soo guryo noqoshada Aqoonyahan Professor Ahmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan booqasho  ku soo gaadhay dalka Somaliland.

Xafladan oo uu khudbad ka jeedinayay Professor-ku ayaa ay ka muuqatay madal si fiican loogu soo diyaar garoobay iyada oo ay ka soo qayb galeen ardayda jaamacadda wax ka dhigata iyo bulsho waynta kale oo noocyo badan isugu jira, iyada oo ay ilyartu is qabatay si fiicanna loogu dhamaystay dhagaysi xasiloon bilow iloo dhamaadna ahaa mid aad looga dareemayo xiiso fara badan. Waxa madasha la isku waydaarsaday kaftan iyo haasaawe aqoon iyo cilmi ku dheehan tahay. Waxa xoog dhagta u maalayay macalimiinta ajaanibka ah ee Jaamacadda wax  ka dhiga oo isugu jira Hindi, Ethiopian, iyo Ugandis-ba oo ay soo dhiiri galisay hadalhaynta shakhsiyadda aqoonyahanku.

Professorka waxa madasha ku wehelinayay wafdi ballaadhan oo uu ku jiro Wasiirka Wasaarada Khayraadka Badda iyo Kalluumaysiga Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel jire).

Madaxwaynaha Jaamacdda Admas Mudane Ixsaan Cumar ayaa ugu horeyntii waxa masraxa ku soo dhaweeyey Professor Ahmed Ismaaciil Samatar isaga oo uu uga mahad naqay fursada uu siiyay ardayda iyo dadwaynaha kale ee kasoo qayb galay cawayskan aqoon korodhsiga ah.

Kadib markii uu la wareegay mikrafoonka waxa uu markiiba carrabka ku dhuftay Professorku in ay Jaamacaddu u isticmaashay magaceeda sidii ku habboonayd micno ahaan Admas University College isaga oo ku raaciyay mahad naq ballaadhan casuumada ay u fidiyeen maamulka iyo ardayda jaamacaddu iyo sida sharafta leh ee ay uga soo qayb galeen. 

Mawduuca uu ka hadlaayay Professorku oo ku saab sanaa (Aqoonta iyo Horumarka) oo aan xoog uga sii fogayn khudbadihii hore ee uu ka jeediyay labada jaamacadood ee Jaamacadda Hargaysa iyo Jaamacadda Camuud oo uu kaga hadlay (Hogaanka iyo Horumarka). 

‘Waxa aan soddonkii sanno ee ugu danbaysay ku mashquulsanaa barashada Dawladnimada iyo Hoggaanka’ ayuu yidhi Professor Ahmed I Samatar  ‘ walina waxaan ku hawlanahay cilmi baadhistaas.’ Ayuu ku daray. 

Waxa uu si fudud u sheegay in dhamaan aqoontu ay ka bilaabanto ‘Su’aal’ iyo iswaydiin. Ogaanshaha shay wuxuu yahay iyo raad raaciisana ay ku salaysantahay. Sidoo kale wuxuu sharraxay meertada ay Aqoon raadintu marto iyo jaran jarada cilmi korodhsigu uu leeyahay iyada oo ay kuu dhiibayso waxa loo yaqaan ‘Critic’ oo ah in wax la ‘haadiyo’ ama si cilmiyaysan wax la isugu dayo in lagu toosiyo.

Waxa uu ku dul istaagay halkaas, isagoo carrabka ku goday in marka wax aad dhaleecaysid aanay ahayn necbaansho oo kaliya ee ay u dhigmayso rabitaanka wax lagu doonayo in arrin lagu hagaajiyo ama lagu saxo jacayl aad u qabto awgeed.

Sidoo kale waxa uu uga gudbay qaybta labaad ee mawduuciisa oo ahaa Horumar.

‘Horumarku maaha in shay marka uu socdo farta laga qaado, laakiin waa gacan ku haynta iyo sii ilaalinta wixii hagaagay. Horumarku malaha bar dhamaad. Waa wax aadamaha lagu mashaqeeyey’  

Gunaanadkii Cawayska waxa ay ardayda jaamacaddu guddoonsiiyeen hadiyad ahayd Map-ka dalka Somaliland iyaga oo kula kaftamaya Professor Ahmed in maadaama oo uu waddana in badan ka maqnaa safarna galayo uu waddanka ku soo wada marayo uu ku daalacdo hadba meesha uu marayo. Sidoo kale waxa ay ardayda Kulliyada Siyaasada iyo Xidhiidhka Caalamiga ahi guddoonsiiyeen Shahaado Sharaf khaas ah.

Waxa isla madasha lagu guddoonsiiyay Shahaado Sharaf Wasiirka Kallumaysiga Mudane Cabdillahi Geeljire.

Su’aalo dhawr ah oo ay fursad u heleen ardayda jaamacaddu ayaa waxa lagu waydiiyay Sidii Qaadka xal loogu heli lahaa waxaana jawaabtii uu ku dul istaagay in saamaynta qaadka iyo balwadiisu ay masiibo bulshood oo si mug leh u saamaysay ummadeena ay tahay loona baahanyahay marka koowaad in la sameeyo abaabul dhan walba, xag culimo, haween, dhalinyar iyo wax garadkaba hadday tahay dhan looga soo wada jeedsado wacyigiisina la isla af garto laguna sunto qaadka wax xun oo laga yaq yaqsoodo.

Su’aal kale oo la waydiiyay ayaa u dhignayd qaabkii uu ula dagaalami lahaa Musuq maasuqa haddii uu hoggaanka waddanka ahaan lahaa. Professor Ahmed I Samatar wuxuu aad ugu qoslay is tusida mala awaalka ku dhisan ee hoggaanimadiisa isagoo si qosol ahna u yidhi ‘malaha aniga safka hoggaan nimada aad ayaa la iigaga horreeya’. Wuxuu Professor Ahmed sheegay in musuq maasuqu yahay wax dagaal jihaysan u baahan dawladnimada iyo nidaamka cadaalada ku dhisana yahay wax aad u dhimi kara ku dhaqankiisa. 

Su;aasha ugu danbeysa ayaa lagu waydiiyay in ay qorshaha ugu jirto inuu dalka ku soo noqdo inta uu wali xooganyahay oo uu ummada wax u qabto. Wuxuuna ku jawaabay dabcan way iigu jirtaa niyada, laakiin anigu yaraantaydiiba waxaan ku hamiyi jiray inaan adduunka kale soo arko, dhalinta laftoodana waxaan kula talin lahaa inay socdaalaan isagoo markiiba carrabka ku goday in socdaalkaasi uu yahay mid qorshe ku dhisan kana duwan yahay tahriibka iyo nafta oo la biidaamiyo.

Gaba gabadii waxa maamulka Jaamacadda Admas iyo  iyo ardayduba u soo jeediyeen Professor Ahmed Ismaaciil Samatar fursada uu siiyay. Waxaanu taas ugu jawaab celiyay in uu laf ahaantiisu dareemayo in loo fidiyay ixtiraam iyo soo dhawayn isagoo xusay in madashani tahay tii ugu quruxda badnayd intii meelood ee uu ilaa haatan tagay.

Xigadho oodweynenews

Salaanmedia/Hargaysa




Leave a Reply