Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Daawo Sawiro..Axmed Madoobe oo cisbitaal ku yaala Nairobe ku booqday kuxigeenkiisa ka dib dhaawac soo gaadhay

 

Hogaamiyaha Jabhada Raaskanbooni kana mid ah Madaxweynayaasha Jubaland State Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) oo hada booqasho ku jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa isbitaal kuyaala Magaaladaasi ku booqday dhaawaca Sargaal sare oo katirsanaa Raaskanbooni.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa Isbitaalka ku booqday Col. Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo ahaa Kuxigeenkii Sheekh Axmed Madoobe maamulkii KMG ee Magaalada Kismaayo kaa oo maalmo kahor kooxo aan la garan rasaas ku dhaawacay.
Col. Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayaa xaaladiisa xaafimaad hada kasoo roonaanaya waxaana dhaawiciisa lagu daweenayaa isbitaal kuyaala Magaalada Niarobi , xaalada Sargaalkan ayaana hada la tilmaamy in ay tahay mid aad u wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com

Muqdisho Somalia


 




Leave a Reply