Madaxwene Siilaanyo Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabiley Xulalkii Kala Hantiyey Koobabkii Kubada Cagta Iyo Kolayga +Sawiro

(SM:Hargaysa)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley Ciyaar yahanadii ka kala socday Gobolka  Maroodi-jeex oo shalay ku guulaystay Koobka Gobolada Somaliland iyo Ciyaar yahanadii ka socday Gobolka Gabiley ee iyana ku guulaystay Koobkii Kubada Basket ka ee Gobolada Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid qiimihiisa leh waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Xubno ka mida Golaha Wasiirada Xukuumada, Gudoomiye yaasha Gobolada Maroodi-jeex iyo Gabiley iyo Xildhibaanada kala Duwan ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Hargeysaba.