Wasiirka Cusub Oo XAQSOOR Ka Tirsanaan Jiray Oo Ka Hadlay Hadal Ka Soo Yeedhay Xasan Ciise

“Waxaan u arkaa Hadalka Guddoomiyaha Xaqsoor Arrin lagu deg-degay”

Hargeysa, (SM)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dibu-dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Ururkii XAQSOOR ayaa ka hadlay sida uu u arka masuuliyada cusub ee loo igmaday.

Md. Axmed Cabdi Kaahin oo xalay khadka telefoonka ugu warramay Wargeyska DAWAN, waxa uu sheegay in xilka loo magacaabay uu yahay masuuliyad culus, isla markaana uu u gudan doono si daacadnimo Ah,waxaanu u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland.

“Waxaa la isaaray xil culus naxdintiisuna way igu badan tahay, runtiina waan ka warwarsanahay xilkaas, balse xilkaa la ii igmaday inaan sida ugu haboon u guto ayaan rajaynayaa.” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka cusub ee Dibu-dejinta ayaa hadalka Xasan Ciise Jaamac ku tilmaamay mid uu ku degay,isla markaana waxa uu inay filayaan in natiijada wada-hadalka ay wax ay ku qancaan ka soo baxdo, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Waxaan u arkaa hadalka Guddoomiyaha Xaqsoor arrin lagu degdegay, wada-hadalkana waa la sugayaa in qodobo ka soo baxaan.”

QHadalkan uu Wasiirka cusub ee Dibu-dejintu ku daadefeeyay qaadacaada Xasan Ciise ayaa u muuqda mid ay kula mawqif duwanaan doonaan masuuliyiintii ugu sareysay Ururka Xaqsoor oo dhawaan wada-hadal kula jiray Xukuumadda talada haysa.

Salaanmedia/Hargaysa