Aadan Dhoolayare Oo Soo dhaweeyay isku shaandheyntii lagu sameeyay Golaha Wasiirrada Somaliland

HARGEYSA (SM)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) waxa uu soo dhaweeyey isku-shaandheynta uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa Wasiirrada.

Aadan Dhoolayare oo ka hadlayay isku shaandheyntii lagu sameeyay Golaha Wasiirrada, waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa isku shaan-dheyntii uu Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, waxaanan leeyahay kolay xilku waa meerto oo maalinba cidd ayaa heysa iyo garashada uu madaxweynuhu u garto kolba cidda uu is yidhaahdo malaha cidaas hawsha fulin-karta oo ka shaqeyn karta, waa wax iska caadiya oo iska dhaca adduunka.”

Wasiir Dhoolayare waxa uu ku tilmaamay Wasiirka cusub ee Wasaarada arrimaha dibada Somaliland inuu wax weyn ku soo kordhin doono wasaarada iyo maraayada caalamku inaga daawado, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan aad u soo dhaweynayaa Wasiirka cusub ee Wasaarada arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ah nin-waayo araga oo culus oo aan filayo inuu Wasaarada arrimaha dibada iyo Somaliland-ba inuu ku soo kordhin doono wax weyn oo uu waxna ka beddi doono ama muraayada aynu caalamka ku leenahay ee uu innaga arko wuu wax weyn ka bedeli doono, maadama uu yahay diblomaasi waayo-aragnimo baddan u leh arrimaha dibada iyo siyaasada caalamkaba. Waa saaxibkay oo aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa oo waa nin qaaliya. Waxa kale oo aan hambalyeynayaa Wasiirada kale ee cusub ee la magacaabay ILAAHAY-na waxaan uga baryayaa inuu xilkaasi culus ee loo magacaabay u fududeeyo si ay u gudan lahaayeen.”

Md. Aadan Dhoolayare oo ka hadlayey wararka ay dadweynuhu aad u hadal-hayaan ee sheegaya inaanu madaxweyne Siilaanyo waxba ka bedelin Wasiiradii ay isku heybta ahaayeen ee xukuumada ku jirey, waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay waa degdeg, oo waa inaynu wakhti siina waxa danbe ee dhici doona, laakin wixii marka lagu degdego hore logama jawaabi karro.”

Mar aan weydiiyey Aadan-Dhoolayare waxa uu isleeyahay isku shaandheynta uu madaxweynaha Somaliland ku sameeyey golihiisa wasiirada waxay ku soo kordhin doono, waxa uu ku jawaabay oo yidhi “Kolay Wasaaradaha qaarkood sida uu madaxweynuhu sameeyey Wasaarada arrimaha dibada,arrimaha gudaha iyo Warfaafinta waa dad hay’adihii ay ku shaqada lahaayeen loo magacaabay, waxaanan isleeyahay waa rag wax ka bedeli karaan wasaaradaha loo magacaabay”.

“Labada haween ee Wasiirada cusub ka midka ah waan soo dhaweynayaa, dumarku waa tiir-weyn oo ka mid ah bulshadeena waa loo baahan yahay inay qeybtooda qaataan, oo horumarka loo baahan yahay in dalka la gaadhsiiyo ay kaga jiraan dhexda,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Cadaaladdu.

Mustafe Janaale

 

 

TOP