Baaq Gurmad ah oo Ay u Baahan Yihiin Dadka iyo Xoolaha Ku Nool Deegaanka Laanta Morohda ee Degmada Saylac …Musharaxa M/Weyne Xigeenka Xisbiga UCID

Waxaad la socotaan qayladhaantii uu soo dirayey Duqa Magaalada Saylac wiigii u dambeeyay ee uu ugu dalbanayey gurmad dayactir ah in loo diro deegaanka Laanta Morohda oo ceelkii biyuhu ka jabay iyo waliba in lagu kaalmeeyo biyo dhaamis dadka iyo xoolaha deegaankaasi oo la ildaran harraad xilligan uu dhacayo hanfigii xagaagu.

Guddoomiyuhu wali kama helin gurmad xukuumad iyo shacab toona, xaaladda meeshaa ka taagana waa mid aad u adag, haseyeeshee waa mid u furan waxkaqabashadeeda cid kasta oo wax ka tari karta xaaladda dadkaasi iyo xoolahaasi ku sugan yihiin, haddii ay tahay mid ah biyo dhaamis loogu jiro oo maalintiiba ugu yaraan baahideedu dhan tahay $700 inta laga gaadhayo dayactirka ceelka.

Sidaa darteed waxaan rabaa in aan dhammaanteen xasuusiyo culayska iyo dhibta ka dhacaysa ceelka jabay, iyo baahida bani’aadminimo ee ka soo ifbaxaysa, waana waajib ina saaran xukuumad iyo shacab ba in loo gurmado deegaankaa, ciddii rabta faahfaahinteeda iyo waxtarkeedaba waxa ay la xidhiidhi karaan Gudoomiyaha Degmada Md. Xuseen Iidleh Barkhadleh Tel. No. +25224590158.

Waxaan si gaara u xasuusinayaa bulshada Awdal & Selel, kuwa gudaha iyo kuwa dibaddaba, in ay deegaankaa waxqabad iyo gurmad ku taageeraan.

Allaa Mahadleh

C/Rashid Xasan Mataan

Musharaxa M/Weyne Xigeenka Xisbiga UCID