Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Ka Dooday Xadgudubyada Loo Geysanayo Somalidda Ku Nool Koofur Afrika

Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Ka Dooday Xadgudubyada Loo Geysanayo Somalidda Ku Nool Koofur Afrika

June 10, 2013 Muqdisho(SM) Kulanka Baarlamaanka oo uu shir gudoominayay Afhayeenka Baarlamanka Mudane Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) ayaa waxa uu ajendahiisu ahaa ka doodida hindise sharciyadeedka dhismaha maxakmadaha dalka oo ay wasaarada Cadaaladda ,garsoorka iyo Oowqafta ay u soo gudbisay baarlamanka.

Hasayeeshee hadal jeedinta gudoomiyaha baarlamaanka ee furitaanka kulanka ka dib ayuu xildhibaanada uga codsaday inta aan la guda galin dooda hindise sharciyadeedkan inay mudanayaashu ka doodaan oo ay go,aan ka soo saaraan xad gudubyada dadka soomaaliyeed loogu geysanayo dalka koofur Afrika.

Xildhibaano xubno ka ah gudiga arrimaha dibada ee baarlamaanka iyo xidhibaano kaleayaa ka hadlay xad gudubka koofur Afrika loogu geysanayo dadka soomaaliyeed iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in Soomaaliya oo qeyb ka qaadatay xurnimadii dalka koofur afika abaalkeeda laga dhigo in dhibaato aan kala joogsi laheyn loo geysto dadka soomaaliyeeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Dooda xildhibaanada ee ahayd in go’aan laga gaaro dhibaatada lagu haayo shacabka soomaaliyeed ee ku nool Koofur afrika,kadib ayaa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan “Jawaari”waxa uu aqriyay bayaan uu soo baarlamaanka soomaaliya uu ugu baaqaya beesha caalamka iyo dowlada koofur afrikaba inay wax la qabto xad gudubyada loo geysanayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Salaanmedia/Muqdisho