Barclays Bank Oo Ka Noqday Go’aankii Uu Ku Joojinayey Lacagaha Xawaaladdaha Soomaalidu Dhigtaan

(SM-London) – Baanka caanka ah ee  Barclays bank, oo ah bangiga ugu weyn waddanka Ingiriiska ee ay xawaaladaha Soomaalidu lacagta dhigan jireen, ayaa ka noqday dalabkiisi hore, kaas oo ahaa inuu muddo laba toddobaad ah ku joojin doono dhigashada lacagahaas.

Sherkada Dahabshiil oo ugu weyn sherkadaha Xawaaladaha ka ganacsada, ayuu Baankaasi ku wargaliyay ayaamihii lasoo dhaafay, inay laba Todobaad kula baxaan xisabaadkooda. Hasayeeshe Sherkada Dahabshiil oo kaa shanaysa dhinacyo kala gedisan ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay   Barclays bank, ugu qancin lahayeen inuu ka noqdo joojintiisa lacagtaas. Waxayna ugu danbeyntii soo afmeertay  galabta.

Maamulaha Guud ee Sherkada Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa u bushareeyay dhammaan macmiishooda iyo dadka Af-Somaaliga ku hadla ee ku xidhan sherkada. Waxaana hadaladiisi kamid ahaa. “Waxaan u sheegayaa dhammaan dadkii ka wer wersana arrinta dirashada lacagta in Bangiga  Barclays bank, ka noqday dalabkiisi hore”.

Warkan ayaa farxad u noqonaaya dadbadan oo ku nool Geeska Afrika, kuwaas oo biilsha noloshooda ay ka caawiyaan eheladooda oo degan waddanka Ingiriiska.

Salaanmedia/Hargaysa

 

XigashoSltoday