Baskeel Duula Waligaa Ma Aragtay?

Sadex shirkadood oo lagaleeyahay dalka Czech Republic ayaa soo bandhigay baskeel casri ah oo kaga duwan baaskeeladii hore dulimaadka. Baskeelkan oo meel bakhaar ah lagu tijaabiyey ayaa lamid ah baskeelada caadiga ah lakin dheer afar marwaxadoo laba dhanka hore iyo dambe kagayaal iyo laba dhinacyada kaga yaal taaso u fudaydinaysa in si qumaati ah uu u duulo baskeelku. Baskeelka wuxuu awooda laydhka (Korontada) ka qaata baateeriyo ku rakiban taaso siinaysa haatan in uu hawada joogo muddo daqiiqado ah.

Hadda ma suurto galayso in la iib geeyo baskeelka noocan ah, sababtoo ah waxaa lawadaa sidii loo kordhin lahaa awooda baateriga iyo hormarino kale oo lagu wado dhanka designka iyo wixii la mid ah.

Bal hadaba ila daawo akhristow muqaalka Baskeelkan:

 

 

SalaanMedia UK
London