Beesha Axmed Faarax Gaashaanbuur Oo Ka Mid Ah Beelaha Habar jeclo Oo Shir Ballaadhan Ku Qabsaday Magaaladda Sheffield Ee Uk. + Sawirada.

(SM-Sheffield) Beesha Axmed Faarax Gashaanbuur oo kamid ah beelaha waa weyn ee H/jeclo ayaa shir ku qabsaday Magaaladda Sheffield ee cariga Ingiriiska. Shirkan oo beeshu sannadkiiba hal mar ku qabsato waddamada Qurbaha, waxaa gogol dhigiisu ahaa sidii ay qayb uga qaadan lahayeen qurbajooga beesha ee ku dhaqan waddamada dibaddu horumarinta degaanada beeshu degto.

 

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen wufuud tirobadan oo ka kala yii gobolada uu ka kooban yahay Waddanka Ingiriisku, waxaa ugu horeyn guddidii qaban qaabada shirka oo ahayd Magaaladda Sheffield, ay warbixin ka siyeen ergadii shirka, wixii qabsoomay tan iyo shirkii kan ka horeeyay, waxyaabah dhiman ee u baahan in deg deg loo fuliyo, iyo qorshaha mustaqbalka.

 

Mud: Axmed Mire Waqaf oo ah Guddoomiyaha beesha Axmed Faarax Gashaanbuur ayaa isagu halkaas ka jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysa deeqo ay gaadhsiyeen degaanada Beeshu degto,  sidoo kale waxaa goobtii laga xusay Jaaliyada Denmark oo  degaanka beesha gaadhsiiyay qalab tirobadan ku waas oo waxbadan ka tari doona adeega asaasiga ah.

Dhinaca kale Mud: Yuusuf Googooye oo kamid ah Waxgaradka beesha Axmed Faarax Gashaanbuur ee qurbaha, ayaa ugu bushareeyay ergadii shirka in Iskuulkii Qoryaale  oo ah iskuul sare ilaa hoose isugu jira albaabada loo furidoono sannad dugsiyadeedkan, isagoo sheegay inuu noqondoono Iskuulka ugu weyn degaanka hoos yimada Gobolka Togdheer ee laga hirgaliyo meel ka baxsan Magaaladda Burco. Waxaa iyana madashii shirka lagu xusay mashariico ay wadagaan qurbajooga beesha Axmed Faarax Gashaanbuur, ku waas oo waxbadan ka tari doona shaqo abuurka dadka degaanka.

Waxaa iyana kamid ahaa ajandayaashii shirka lagu soo qaaday, qaabka tallo guud looga yeelan lahaa ku nolaanshaha wadamada dibadda, iyo sidii laysugu xidhnaan lahaa. Taas oo gudi loo saaray si ay isugu soo duba ridaan xalka arrimahaas.

Waxaa iyana madashii shirka ka hadlay waxgarad tirobadan oo dhammaantood ku nuux nuuxsaday faa’iidada ay leedahay isku duubnaanto. Gebo gebadii shirka ayaa laga soo saaray war murtiyadeed, kaas oo qayaxaayay halka loo socdo.