Booliiska K/Afrika oo kusoo biiray Dhibaatooyinka lagu Hayo Soomaalida kunool Dalkaasi Dhac baahsana xalay u geestay Ganacsato Soomaaliyeed

news

Ciidamo ka tirsan police-ka k/afrika Ayaa xalay Howlgal baaritaana ah oo ay ka fuliyeen xaafada Soomaalida ay degta Korsten ee magalada Port Elizabeth ku qaatay lacago badan iyo allaabo bagaash ah oo ay lahayeen ganacsato soomaaliyeed,

Police-ka ayaa howlgalkooda waxa uu u muuqday mid qorsheeysan iyago bartilmaameed ka dhigtay dukaan ay lahaayeen rag ganacsata ah kaasi oo u muuqday mid lo so fara muuqay waxana ay dukaankasi oo lagu iibiya alaaba kala duwan ay ka qaateen lacag lagu qiyaasay ilaa 400- kun oo Ran lacagta koofur afrika una dhiganta 38 kun oo dollar ,

Mid kamid ah ragii ganacsatada ahaa ee dukaankasi laha oo aan la kulanya si aan wax badan ugu ogaana xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta lacagaha iyo alaabaha kale ee laga qaatay dukaanka ayaa ino xaqiijiyay inay run tahay islamarkaane police-ka ay lacaga badan qaateen lakin ay haatan baarayaan sababta ka danbeeysa in lacagahasi inta la eg laga qaato,

wali ma cada ujeedada dhabta ah ee howlgalka police-ka ka danbeysa walow la sheegaya in police-ka markoodi hore damacooda uu ahaa inay qataan oo ay dhacaan dukaanka hantida taalay balse ay ku fashilmeen markii ay police kale yimadeen goobta ,

Salaanmedia/Mogdisho

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kuso beegmeysa xili laba habeen ka hor dhacda noocan oo kale ganacsada soomaaliyeed lacaga gaareysa R100 lacagta koofur afrika laga qaatay mana jirta haatan cid ka hadashay arimahan dhacaya,