Ciidamada AMISOM oo Maanta Qarax Xoogan lagula eegtay Magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya qaraxaasi

 

Gaadiid ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta qarax nuuca Miinada dhulka lagu aaso ah waxaa lagula eegtay Degada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Goob joogayaal kusugan Degmada  Kaxda ayaa Warbaahinta u sheegay in ay arkeen qaraxa miino oo haleelay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM halkaasna ee durbo ciidamadu xireen iyadoona aan la ogaan Karin wax qasaaro ah oo kasoo gaaray Qaraxaasi.

Sidoo kale waxaan si rasmi ah loo ogeyn Qasaaraha gaaray dad rayid ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay wallow ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo dad rayid ah kasoo gaaray Qaraxaasi.

Mudooyinkii dambe waxaa aad u yaraa qaraxyada lala eegto Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ee ka dhaci jiray magaalada Muqdisho waxaana taasi loo sababeeyay  ciidamada Dowlada oo balaariyay howlgalada sugida amaanka Magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho