Ciidan-Beeleedyo Koonfurta & Bariga Ceerigaabo Lagu Ururiyey.

 

 

Ceerigaabo Waayeellada Ciidan-beeleedyo tiro badan oo muddooyinkan ugu danbeeyeyba iyagoo ka dhursugaya inay qaramayn ka helaan ku urursanaa degaannada Goof iyo Kulmiye ee koonfurta iyo bariga degmada Ceerigaabo ayaa iyagoo waayeelladu sheegay in ay hore taliyaha ciidammada qaranka Somaliland arrinta dhallinyaradan uga wada hadleen waxay xukuumadda ka codsasdeen dhallinyaradan in lagu qarameeyo islamarkaasna saldhigyo ama fadhiisinno looga dhigo degaannadoodan. Waxayna waayeelladu meesha ka saareen hadallo intii dhallinyaradan la ururiyeyba tibaaxayey in siyaasado kale ku lug leeyihiin.

“Goobtani Waa Kulmiye waana goobtii halgankii SNM Aagga bari laga xoreeyey ciidankanina maanta wuxu diyaar u yahay in la qarameeyo annaguna waxannu leenahay xaq baannu u leenahaye degaankoodan saldhig ha looga dhigo oo taliyaha ciidammada qaranka oo aannu horena isaga aragnay iyo madaxda kale ee ciidanka qaranku halkoodan ha nagaga eegeen”.  Sidaas waxa yidhi Xasan Cabdi carraale (Jikraale), Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray “Dacaayadaha waannu la soconnaa nalaka fidiyey ee Puntland iyo Soomaali-weyn iyo waxyaabahaas waxannu caddaynaynaa inaan waxba ka jirin dacwadna waannu ka furanaynaa arrintaas”.

Guddoomiyaha Guddida Degaanka Kulmiye Caynaanshe Caynab Cali oo isaguna arrintaas ka hadlay ayaa yidhi “Xukuumadda Waxannu Leenahay Hubkaas iyo Raggaas Waxannu Usoo Saarnay Waa Difaaca dalkee Fursaddan Ka faa’iidaysta”.

 

Cali Axmed oo ka mid ah Odayaasha Tuulada Kulmiye ayaa isaguna wuxu yidhi “Haddii Somaliland Bixin soo joogtona ha naloo sheego haddii kalena waxannu u baahan nahay in ciidankan halkiisa nalooku qarameeyo saldhigna looga dhigo wixii ciidanka baahidiisa ahna waa laga helayaa halkan”.

 

Taliyaha dhallinyaradan aan weli xukuumadda Somaliland qaramayn Mr-Tooshle ayaa isaguna dhiniciisa caddeeyey in ciidankiisani diyaar u yihiin soona dhowaynayaan in ay ka mid noqdaan ciidanka qaranka Somaliland. “Ciidankani oo fadhiisinnadiisa ugu weynni yihiin Goof iyo Kulmiye meelo kalena qaarkood joogaan waxannu diyaar u nahay in lagu qarameeyo ciidanka Somaliland waana soo dhowaynaynaa”. Wuxuna taliyahani sidoo kale xusay in ay jiraan cid diiddan in dhallinyaradani ka mid noqoto ciidanka qaranka. Isagoo yidhi “Waxa nala leeyahay soo baabi’iya annaguna waa ururinaynaa waayo haddii la baabi’iyo sow amnigu xumaan mayo”.

 

Sikastaba ha ahaatee marka lo eego xaaladda shaqo la’aanta xilligan jirta iyo dhibaatooyinka ba’an ee bulshada iyo bey’addoodaba ay ku keento iyo dhallinyaradan u heellan in ay ka mid noqdaan ciidammada qaranka ayaa dhinaca xukuumadda Somaliland looga fadhiyaa jawaab deg deg ah iyo go’aan wax ku ool ah.

Darwiish Ceerigaabo

gxdarwish@hotmail.com