Ciyaaraha Gobollada Iyo Dareenkayga-2 Finalka Maroodi-jeex Iyo Hawd

image

Qalinka: La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo………Waa gabagabadii ciyaaraha tartanka goballada. Waxa foodda is daraya laba gobol oo isku gobal ahaa muddo yar horteed. Dadkooduna weli kala garan la’ yahay kan ay yihiin. Waxaan ku koray oo aan ku barbaaray labada magaalo ee Hargeysa iyo Baligubadle. Waxaan u aqaan labadeyda gacmood. Waa deegaanka keliya ee aan dhul iyo guryaba ku leeyhay. Waxa ila mid ah dad badan oo labadaba u arka gobalkoodii. Si gaar ah Degmada Axmed Dhagax oo ah degmo ka tirsan Gobalka Maroodi Jeex iyo Baligubdle oo xarun u ah Gobalka Hawd.

Waa farxad iyo faanfaan kol haddii labadan gobal ee haddana isla gobalka ihi ay muujiyeen sanadkan iyo kii horeyba inay yihiin hormoodka kubbadda cagta ee qaranka Soomaliland. Waa inoo guul iyo faan, waa inoo sharaf iyo maamuus, waa inoo xarfad iyo aqoon isboorti, waxaynu noqonay macalimiinta kubbadda oo aanay cidi inagu heysan.

Waxaa hubaal ah in taageerada labada gobal ka muuqan doonto iyadoo la buux dhaafiyo garoonka. Waxa waajib ah in la muujiyo taageero hufan oo ka marag kacaysa walaaltinimada labada gobol. Walaalo ma aha ee runtii waa isla qof keliya, waa ruux keliya. Waa asalkii Hargeysa oo tarmay dhalayna gobal kale. Waxa la gudboon ciyaartoygu inay taasi ka muuqato. Ciyaar ahaan leysu tudhi maayo, waa se inay ka maqnaataa xanaaq iyo xurguf aan la qaadan karin. Hab-dhaqanka ciyaartooga ayaa hoggaamiya akhlaaqda dadweynaha daawanaaya.

Waxaan ahaa nin ku farxasanaa mar kasta oo labadan gobal guuleystaan. Maanta se waxaan ahayn inaan u sacab tumo marba ka ciyaar wanaagsan, xarfadda wacan, ka cidhibta ku dhiiba, iyo ka shiishka wanaagsan maahee wax kale ma jiraan.Waa guul tan ugu wanaagsan kolka caadifad la’aan aad u daawanayso kubbadda, gaar ahaan kolka labada dhinacba aad ku faraxsantay.

Xalay ayaan daawanayey ciyar dhexmartay xulka qaranka ee Jabaan iyo Talyaaniga..walaahi ciyaar ka macaan inaanan arag sannado..maan kala jeclayn laakiin waxaan daawanaayey xeeladda iyo xarfadda meesha taala. Xarfad iyo xarago iyo hogaamin kubadeed waxa ku horeeyey Jabaan, nasiibkuna waxuu la jiray Talyaani oo 4 iyo 3 kaga badiyey. Birtay dhinac kaga dhacday, haddana dushay kaga dhacday, haddana farbuu kaga saaray..si walba wey yidhaahdeen weyse diiday inay shabaga ruxdo. Cidina iskumay xanaaqin ee si wacan ayaa leysu sagootiyey. Ku darsoo garoonka 80% waxuu taageeraayey Jabaan. Brazil waxa ku nool laba mjlyan oo asalkoodu ka soo jeedo Jabaan. Haddey Jabaan iyo Talyaani sidan ku ciyaareen, maxaa looga baqayaa inay si wacan oo nadiif ah ay ku ciyaaraan ciyaartooy isla qoys ihi.

Wax kale ayaanu wadaagna aniga iyo labadan gobal. Waa siyaasadda waa taageerayaashi KULMIYE ee doorashada Madaxweynaha, maantana dalka Madaxweynha ay doorteen ayaa ka taliya, berrina isagaa marti loo yahay odhan maayo isagaa marti inoo ah, waaba madaxeenii oo isagaynu dooranay. Waa iyana Alle mahadi ha ka gaadhee, la soo afjaray khilaafkii XAQSOOR IYO XUKUUMADDA.

Intaas oo dhammi waxay ii xaqiijinayaan in ciyaarta berrito noqon doonto mid nadiif ah, mid xarfad iyo xeeladi u sal tahay, mid ka farxin doonta daawadayaasha gudo iyo debedba, mid koobka loo hanneen doono oo farxadda lala qaybsan doon kii badiya. Hadda ogow kan kaleba waa guuleystay oo 11 gobal ayuu boodhka cunsiiyey. Waa guul iyo guul kale.

Dardaaran kale, waxa habboon boolisku inay hawsha qunyar socodnimo ku galaan ayna noqon kuwa qaska sii shida, waa in mamulka loo daayaa garsoorayaasha, askartuna ay noqodaan kuwa ugu dambeeya ee la miciinsado haddii loo baahdo, Insha Allah loo baahan maayo. Usha intayna qaadan hadal iyo waanwaan ha ku dhaqaaqaan. Siyaasiyiin loogama baahan garoonka.

Cidhiidhiga iyo isku xoonka Madaxeynaha ha laga daayo kolka uu koobka bixinaayo bal dadku si wacan how daawadeen ee madaxdu yeyna ku xoomin madaxweynaha. Munaasabadaha lama arko lamina maqlo madaxweynha hadalkiisa, waana mid aan habboonayn,nabadgelyadana uma fiicna. Arrinkaas waxaan si gaar ah uga codsanayaa saaxiibkey Wasiir Xirsi inoo ka hawl galo. Ma aha in madaxdu iyagu abuuraan buuq.

Maan iloobin sidii sharafta ahayd eey u ciyareen isla laba gobal oo isla mid ahaa waa Maroodijeex iyo Gabiley, caawana mar kale ayey isku hirdiyayaan koobka kubbadda koleyga. Waxaa hubaal ah inay sidii ay tan cagta ka yeeleen ay tana la mid noqon doonto. Waxaan ahay nin farxad ku jiray ayaamahan. Waa la tartamaa mise gobalkeygiiba guuleysta. Waa MAROODIJEEX maroodijeex kale ay koobka isku haystaan. Ma sha Allah, waa guul. VIVA Gabiley, Hawd iyo dabcan halka magacu ku hadhay Maroodijeex. Waa Hargeysa iyo dhasheedii.

Salaani korkiina ha ahaato, hanbalyo qaali ahna heyga guddoomaan labayda gobol Mardoodijeex iyo Hawd. Hanbalyo la mid ah ayaan u fidinayaa dhammaan ciyaartoygii tartanka ka qayb galay, maamulayaashi, ciidamada, si gaar ah Wasiirka iyo Wasaaradda Ciyaaraha iyo dadweynha ay hormoodka ka yihiin daawadayaashu oon laáantood ciyari jirteen. Waxii tusaalayn iyo toosin ah aan u dhigto damaashaadka dabadeed.

Nabad iyo nabad ayaan idiin rajeynayaa.

Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha.