Ciyaartii Gobollada Maroodi-jeex Iyo Sanaag Oo Ku Dhamaatay Barbar Dhac Ah Eber Iyo Eber

(S-Hargeysa) – Ciyaartii dhex maraysay kooxaha Gobollada Maroodi-jeex Iyo Sanaag, ayaa goor dhawayd soo gabagabowday.

Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u adag oo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u heer-saraysa isla-markaana koox walba dhankeeda ku dedaalaysay inay goolal keensato ayaa ku soo gabagabowday barbar dhac ah 0 iyo 0.

Labada kooxood oo ka mid ahaa Group-ka A, isla-markaana mid walba rabtay inay ka badiso ta kale, ayaanay midna suurto-galin inay wax goolal ah kala dhaliyaan, waxayna ciyaartu ku dhamaatay eber iyo Eber.

Kooxda Gobolka Maroodi-jeex

Labada kooxood, oo isku awood ahaa, ayaa mid walba dhankeeda hore ugu haysatay dhibco badan.

Salaanmedia/Hargaysa/Office.com