Daawo Video: Axmed Ismaaciil Samatar Oo Diiday Inuu Xidho Ama La Saaro Callanka Somaliland Iskana Fogeeyey “Fadlan Iga Daaya, Fadlan Iga Fogeeya”

Gabiley (SM)–04/06/2013– Axmed Ismaaciil Samatar oo ku caan ahaa inuu aad uga soo horjeedo madax bannaanida iyo qaranimada Somaliland oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladii uu ku dhashay ee Gabiley ayaa markii uu soo gaadhay goobtii loo bineeyey inuu dadka kala hadlo, waxaa qof ka mid ah dadweynahii soo dhawaynaayey uu isku dayey inuu madaxa ka saaro koofiyad callanka Somaliland ku shaqlana wuxuuna Mr. Samatar qofkaasi iyo callanka Somaliland ee koofiyadda ka samaysan uu iskaga qabtay gacanta isagoo ku lahaa “adeer iga daa, fadlan iga daa, halka iga dhig”.

Waxaanu xaga danbe sidoo kale iska qabtay oo diiday in la saaro callanka Somaliland isagoo ku tiraabaayey “adeer iga fogeeya fadlan iga fogeeya, fadlan iga daaya”, hoos ka daawo markii uu diidaayey in callanka Somaliland la saaro, waxaa isweydiinleh qof diidan callankii Somaliland sida ay dadweynaha reer Gabiley soo dhawayn intaasi le’eg ugu sameeyeen.