Dalaeda British Somaliland Council Oo Casho Sharaf Ku Qaabishay Agaasimaha Hay’adda Qurbajooga.+Sawiro

(SM-Lndon)Dalada British Somaliland Council ( BSC ) ayaa  casho Sharaf ku qaabishay Agaasimaha Hay’adad Qurbajooga iyo Xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland Md, Eng. Maxamud Abdiraxman Ali oo booqasho ku yimi wadanka ingiriisaka, casho sharftan oo ka dhacday SAVANA Restourent oo ku yaala Galbeedka Magaalada London ayaa sidoo kale ay Dalada BSC ku sii sagootinayeen laba xubnood oo ka mida una dhoofayey dalkii Somaliland oo kala ah Gudomiyaha Hayada HAYA C/rashid Aden Dheere iyo Gudomiyaha Ururka La dagaalanka Qabyaalada Cawale Birinbir, kulankan dalada BSC ku casuntay Agasime Maxamud Abdiraxman ayaa waxaa ku weheliyey Gudomiyaha Qurbajoga Somaliland ee EU Abdiraxman Ubaxle.

Ugu horayn waxaa shirka furay Afhayeenka Dalada BSC mudane C/laahi isagoo war bixin iyo soo dhoweyn ka bacdi ku wareejiyey Gudomiyaha Qurbajoga & Xidhiidhka jaaliyadaha EU Abdiraxman Ubaxle oo agaasimaha uga war bixiyey hawlihii u qabsoomay intii uu xilka hayey iyo waxyaabah u qorshaysan in xafiska xidhiidhka jaaliyaduhu u qabto isku xidhka jaaliyadaha ee EU una mahad naqay dalada Britisha Somaliland Council ee caawa sida sharafta leh u soo casumay Agaasimeheena Qurbajooga oo dalka inoogu yimi si aynu war bixin isu dhaafsano soo dhoweyn ka dibna wuxuu ku wareejiyey Agaasimaha Hayada Qurbajooga Eng.Maxamud Abdiraxman Ali oo xafladan soo dhoweynta loo qabtay.

Md.Eng.Maxamud abdiraxman Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay salaan iyo mahadnqa uu u mahad naqaya guud ahaan qurbajooga Somaliland gaar ahaana Dalada BSC ee soo casuntay kana dalbatay inuu xog dheeraada ka siiyo habkii ay isaga iyo daladu u wada shaqayn lahaayeen wuxuuna sheegay in xafiiska qurbajoogu uu yahay mid u furan xubin kasta, urur kasta, jaaliyada kasta oo qurbajooga si ay uga helaan macluumaadka ku kaydsan xafiiskaas ee ah Horumarin, Maalgashi, iyo Caawimo biniaadanimoba isagoo ku dheeraaday muhiimada uu xafiiskan inoogu sameeyey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ah in xafiiskani idiin ururiyo Xogaha muhiimka ah ee aad qurbojoog ahaan dalkiina uga faaiidaysan kartaan iyo sida aad idninkuna idinkoo isku duuban ugu faaiidayn lahaydeen dalkiina,wuxuu kaloo agaasimuhu cadeeyey in maadaama oo dalkeena ay ka jiraan xisbiyo badani dhinaca siyaasadana lagu kala argti duwan yahay uu xafiiskani ahaado mid siyaasad ka madax banaan oo u siman dhamaan qurbajooga Somaliland Xisbi kasta iyo qabiil kasata oo ay yihiin.

Wuxuu agaasimuhu si cad u qeexay in arimaha horumarinta ee dalkeenii ay ka madax banaanaadaan siyaasada si aynu isku duubni dhamaan gobolada dalkeena ugu qabano hadba baahida ka jirta sidaa darteed waxaad ogaatan in xafiiskani uu idinka caawinayo arin kasta oo aad isku duubni iyo wada jir ku qabanaysaan idiina sahlayo sida aad dalkiina dib ugu degi lahaydeen maadaama oo xiligan qurbihiina xumaaday dalkeeniina idiin baahanyahay, warbixintaas oo ay aad ula dheceen xubnihii ka soo qayb galay kulankan ayaa iyaguna dhinacooda ka weydiiyey wixii ay sula,aal qabeen isagoo Agaasime Maxamud Abdiraxman si hufan oo qancisay uu ugaga jawaabay dhamaan suaalahaasi, kulankiina uu ku soo gabagaboobay farxad iyo wada jir loo balamay in halkaas hore looga sii socdo wuxuu Agaasimuhu salaan u diray dhamaan jaaliyadaha Somaliland iyo ururada ka jira wadanka ingiriiska isagoo yidhi waan jeclaa intaanan noqon inaynu dhamaanteen kulano laakiin dabaaldegii xuska 18may ayaan magaaloyin badan kala qayb qaatay oo war iskuma keen seegana wixii xidhiidh ahna waxaa inoo ah xidhiidhiyaha jaaliyadaha ee EU Abdiraxman Ubaxle oo aan u magcaabay siduu idinkana isugu kiin xidhi lahaa xafiiskiinana idiin siin lahaa wixii aad uga baahataan macluumaad, wuxuu si gaara ugula dardaarmay inay muhiim tahay in mar kasta aynu qurbajoog ahaan la shaqayno xukuumada hogaanka inoo haysa iyo masuulka ay u soo magcowdo dalka aad joogtaan isagoo si gaara u tilmaamay inaad jaaliyado ahaan la shaqaysaan wakiilka Somaliland ee UK Ali Aden Awale oo iminka ah wakiilka halkan inoo jooga isna barbar taagtaan saacad kasta oo uu idiin baahdo qadiyada Somaliland.

Wa bilaahi Towfiiq

Somaliland Diaspora Office EU

Birmingham Uk.