Dawladda Masar Oo Xulafo u Raadsanaysa Colaad ka dhan ah Itoobiya Iyo Soomaaliya oo La Safatay

Dawladda Masar Oo Xulafo u Raadsanaysa Colaad ka dhan ah Itoobiya Iyo Soomaaliya oo La Safatay

June 6th, 2013 

Masar iyo Itoobiya Oo Qarka u saaran inay ku Dagaalamaan Biyaha Niilka Iyo Colaada Guunka ah ee u dhaxaysa labada Dal.

Muqdisho (Somaliland.Org)- Dawladda Soomaaliya ayaa toos ula safatay dalka Masar oo abaabul ugu jirta sidii ay qulqulatooyin ugu kicin lahayd wadanka Itoobiya oo ay isku hayaan hanaanka ay u wadaagayaan biyaha webiga Nile-ka oo maalmihii la soo dhaafay muran xoog leh iyo xiisad ba’ani ka dhex aloosnayd labadaas dawladood.

Waxaanu akhristeyaashayada halkna ugu soo gudbinaynaa warbixino kala duwan oo wakaaladaha wararka ee caalamiga ahi ka qoreen mawduucan ugu soo gudbinaynaa halkan warbixinadii ay wakaaladaha news24.com/Aljazeera, oo ka mid ah degalada waaweyn ee caalamiga ahi ka qoreen sansaanta iyo xiisada labada dal ee Masar iyo Itoobiya waxaanay u dhignayd sidan:-

Dagaalka Biyaha Nile-ka Ee Ethiopia Iyo Masar

“Madaxweynaha Dalka Masar Mohamed Morsi, ayaa todobaadkan sheegay in aanay Masar ogolaan doonin in biyeheeda webiga Nile hoos u dhaca ku yimaado, dhibicna ha ahaatee. Morsi waxa uu hadalkiisu jawaab u ahaa dalka Ethiopia ee ay isku hayaan biyaha webiga Nile oo sheegay in ay bilaabayaan dhismaha biyo xidheen weyn oo ay u isticmaali doonaan dab dhalin, kaas oo biyaha webiga Nile ee ka imanayey Ethiopia loo duwi doono biyo-xidheenkan.

Madaxweyne Morsi hadalkiisa oo si toos ah uga baxayey TV-ga waxa uu ka jeediyey madal ay isugu yimaadeen siyaasiyiin iyo madax diimeedka dalkaa, waxaana uu yidhi “ uma ogolaanayno in dhibic ka mid ah biyahaas meel kale maraan”.
Tallaabada Ethiopia ay ku duwayso biyaha ka yimaada Laagta Buluuga ah ee loo yaqaano Blue Nile waxay dhaq-dhaqaajinayaan heshiis hore oo saddex geesood ahaa, una dhexeeyey dalalka Ethiopia-Masar-Sudan,kaas oo ku saabsanaa saamiga qaybsiga biyaha webiga. hadii tani dhacdo waxa la filayaa in qulqulka biyaha webigu yaraadaan, waana ta ay Masar wadnaha farta kaga haysaa.

“ Waa lama huraan in aan qaado tallaabooyin lagu sugayo amaanka biyaha Masar, xaallada wakhtigan timina waxay lama huraan ka dhigaysaa in madaxda Masar midowdo si aan uga hortagno khatar ku timaada nolosha Masar”. Ayuu yidhi Morsi isaga oo sii wada.

Khaled al-Kazzaz, oo dhinaca amniga kala taliya Mohamed Morsi, ayaa isna sheegay in tallaabada Ethiopia tahay arrin khusaysa amniga guud ee Masar. Khaled al-Kazzaz waxa uu sheegay in shirkii golaha wasiirada ee Arbacadii ay ku celiyeen in aanay marna aqbalayn mashruuca Ethiopia ee wax u dhimaya qulqulka biyaha webiga.

Mashruuca biyo xidheenka Ethiopia, waxa ku baxaya 4.2 billion oo Dollar, waxaana uu ku dhammaanayaa saddex sanno, waxa uu soo saarayaa 6000MW oo dab ah. Laagta buluuga ee Webiga Nile, ayaa ka soo bilaabanta Ethiopia, ka dib laagta Cad ( White Nile) ee Sudon ayey kaga darsantaa Khartuom waxaana ay sameeyaan webiga Nile oo biyaha ku dara badda Mediterranean.

Raysal Wasaarihii hore Ethiopia Miles Senawe oo heshiisyadii hore qaarkood ogaa, ayaa ka tegay qorshaha dhismaha biyo xidheenkan waxaana uu qayb ka ahaa barnaamij la magic baxay “DIB U CURASHADA ETHIOPIA” (Great renaissance dam), waraysi hore oo siiyey TV-ga Aljaziira waxa uu ku sheegay in aanay Masar marna Ethiopia iska hortaagi doonin dhismaha biyo xidheenkaa. Miles Senawe hadalkaa waxa uu jeediyey sanadkii 2010 markii la kala saxeexanayey heshiis ku saabsan saami qaybsiga biyaha webiga oo ay ka soo horjeesteen Masar iyo Sudon, balse ay saxeexeen dalalka Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Ethiopia.

Masar ayaa saluugtay heshiiskii u danbeeyey saami qaybsigiisa oo waxay taageersan tahay heshiisyadii sanadihii 1929 iyo 1959. Heshiiskii u danbeeyey waxa ka soo qayb galay toban dal oo saamayn ku leh webiga Nile, waxaana ay Masar u arkaysay mid ay ku tol weyday heshiiskaa. Ra’iisal wasaarihii hore ee Ethiopia Miles Senaawi waxa uu Masar ku tilmaamay mid aan wakhtiga la socon.

Miles waxa uu yidhi “Masar waxay haysaa aragti gabowday oo waxay qabaan in ay biyaha Nile iyagu leeyihiin, xaqna ay u leeyihiin in ay iyagu go’aamiyaan sida laga yeelayo biyaha”. Miles waxa uu wakhtigaa sheegay in Masar ka soo horjeedo in dalal kale isticmaalaan biyaha Nile-ka. Xilligii heshiiskii u danbeeyey ee biyaha Nile. Miles Senawi oo ka jawaabayey hadalo ka soo yeedhay masuuliinta Masaarida xiligaas ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aanad joojin karayn in aad tidhaahdo gacan ayaan ku xalinayaa waxa ka wanaagsan adiga oo xal wada hadal ah doona”.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka biyaha Nile oo muddo soo taxnaa sanadkii 1929, ayaa haatan soo gaadhay meel ay cabsi weyni soo waajahday Masar iyo Sudan , waxaana haatan aad loo dhaq-dhaqaajiyey Masar, oo gudaheedna buuq ka jiro. Waxaanay eegaysaa fursado ay gacan saar kaga heli karto wadamada ku yaala mandaqada geeska Afrika ee ood-wadaagta la ah dalka Ethiopia iyo in ay abuurto xoogag iyada taabacsan oo ka hawlgala gudaha Ethiopia .”

Geesta kalena, Dawladda Masar ayaa khubaro iyo saraakiil iskugu jirta milatariga iyo sirdoonka dalkeeda si deg deg ah ugu dirtay Magaaladda Muqdisho ee dalka qalalaasaha siyaasadeed la baaxaa degaya ee Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday in weftigan ka socday Masar oo ay xubno ka haayeen saraakiisha sirdoonka Masaaridu ay dejinayeen isla markaana sahan u ahaayeen sidii ay dawladda Soomaaliya fadhisin milatari u siin lahayd dalka Masar si ay ugu suurto-gasho inay duulaan ku qaadaan wadanka Itoobiya.

Saraakiisha Masaarida oo uu weheliyay Danjirahooda Muqdisho ku sugani waxay kulamo kala duwan la yeesheen shalay Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaan-dhiga Soomaaliya, waxaanay ka wada hadleen qodobo badan oo sida la sheegay diirada lagu saaray wax loogu yeedhay cilaaqaadka Milatari ee labada dal.

Wasiiir Ku xigeenka Gaashaan-dhiga dawlada Muqdisho Axmed Maxamuud Maxamed, ayaa qiray inay ka wada hadleen weftiga Masaarida qodobo badan oo la xidhiidha sidii labadooda dal u yeelan lahaayeen iskaashi milatari.

Sidoo kale Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Ayman Magdi, oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay inuu ku riyaaqay qodobadii labada dhinac ka wada hadleen. Danjiraha Masar waxa uu ku faanay inay cilaaqaadka wadankiisa iyo Soomaaliya uu ahaa mid soo jireen ah oo waligii jiri doona.

Goobihii ay Booqdeen Sirdoonka Masaaridu

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in weftiga Masaariddu ay booqdeen goobo badan oo ku yaala Muqdisho oo ay sahan ka qaateen inay u qalmaan saldhigyo milatari.

Tallaabadani waxay noqonaysaa daan-daansi siyaasadeed oo dawladda Muqdisho ee Itaalka daran ee Xasan Sh. Maxamuud ay si aan gabasho lahayn uga hortimid danaha wadanka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Iskaashiga dawladaha Muqdisho iyo Qaahira ayaa isku dubo dhacay tan iyo markii kal-hore la doortay Madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inuu xubin ka yahay mid ka mid ah urur diimeedyadda ka jira dalka Masar, taasina ay sababtay inuu dawladda Masar ka fikirto in fadhiisinka ugu dhow ee ay kaga duuli karto Itoobiya uu yahay Soomaaliya.

Dalalka Mandaqadda intooda badan oo ay ku jirto Somaliland ayaa daan-daansiga Masaarida u arka tallaabo xad gudub ku ah Itoobiya oo dawladda Qaahira ay dusha u ridan doono masuuliyadda khasaaraha ka dhasha dhaq-dhaqaaqyadeeda taban ee Itoobiya ka dhanka ah, waxase si toos ah ula safan Masaarida dawladda Soomaaliya ee Xasan Sh. Maxamuud oo doorashadiisii ay bixiyeen dhaqaale badan si uu ugu suurto geliyo danahooda siyaasadeed.

Xigasho: WARGEYSKA DAWAN