War Deg -deg Dagaal aad u xoog badan oo ka socda Kismaayo kadib gaadiid subaxnimadii hore ee saaka la kala dhacay

 

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi kuwada sugnaa, iyada oo magaaladaa aad looga dareemayo saameynta newsflash1.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo gaadiid ay dheceen mid kamid ah maleeshiyaadka hardamaya iyada oo maleeshiyaadka kale ee iyana la dagalamaya ay ka soo jeedaan beesha gaariga laga dhacay, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in guud ahaan uu istaagay dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa ee dad-weynaha.

Dagaalka ayaa waxa uu ka qarxay xaafada Far-janno o kamid ah xaafadaha magaaladaasi inkasta oo uu markii danbe ku baahay inta badan magaalada iyada oo labada dhinac ee hardamaya uu u imaanayo gurmad si dagaalka loo sii huriyo.

Shabakadaha ku hadla afka Kooxda Raas-kanbooni ayaa waxa ay baahiyeen in dagaalku uu u dhexeeyo taagerayaasha Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe, iyaga oo intaa ku daray in gaariga la dhacay ee dagaalku ka bilaawday uu lahaa sarkaal ka tirsan Jabhadda Axmed Madoobe.

Salaanmedia/Mogdisho