dhiska Madaarka Hargeysa oo Gabo-gabo Maraya iyo Wasiirka Duulista Oo ka Hadlay

Wasiirka Duulista Oo ka Hadlay Dib u dhiska Madaarka Hargeysa oo Gabo-gabo Maraya

June 1st, 2013 

“Go’aankii Somaliland ay ku joojisay duulimaadyada QM Wuu dhaqan galay, go’aan sax ah ayaanu ahaa”

Hargeysa (SM)- Wasiirka Duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa sheegay in go’aankii xukuumaddu ku mamnuucday in diyaaradaha qarrammadda midoobay soo cago-dhigtaan garoomadda Somaliland uu wali halkiisii yahay, waxaanu ku dooday in qaraarkaasi aanu waxba u dhimayn hawl-maalmeedkii ay UN-ku ka hayeen dalka.

Wasiirka Duulistu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Madaarka oo uu kaga hadlayay dayactirka madaarka Hargeysa oo maraya heer gabo-gabo ah.

“Go’ aankii xukuumada Somaliland ay ku joojisay duulimaadyada qaramada midoobay sidii ayuu u taagan yahay waanu dhaqan galay, go’aan sax ah ayuu ahaa oo maaha mid aanu ka qoomamaynayno ee waa go,aan sax oo aanu qaadanay wakhtigii loo baahnaa, wax xaal ah kama bixinayno ee anaga ayaa nalooga garaabi doonaa,waftiga ka socda qaramada midoobayna todobaadkan ayey imanayaan dalka waanu wada hadlaynaa.”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawaddu.

“Somaliland-na gar ayey joogtaa go’aankuna waa halkisii,Gargaarka ay fuliyaan hay”adaha qaramada midoobay maaha mid saamaynaya duulimaadyada la joojiyey, qaramada midoobay shaqadooduna ma istaagi karto ee duulimaadyada kale ee socda ayey raacayaan, shaqo xumaanaysa oo xukuumadu aaminsan tahayna ma jirto, go,aanka aanu qaadanay waa sax oo maaha mid xaal laga bixinayo,.”Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Dhinaca kale, waxa Wasiirku sheegay in dib u dhiskii madaarka Hargeysa marayo heer gabo-gabo ah, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa aynu maanta goob joog ka nahay wajigii ugu danbeeyey ee madaarka caasimada oo aanu bilawnay iyada oo dhismaha madaarku soo maray laba waji oo waaweyn Midi waxa uu ahaa kii u horeeyey ee lagu samaynayey sarfayga, isla markaana lagu calaamadinayey goobaha wax laga qabanayo, wajiga labaadna waxa uu ahaa ranwaygii hore ee ka koobnaa 2.4 oo la googooyey meelihii uu ka daacay oo dhan meelihii bayskiisa dhagaxa ahaa lumayna dib loo soo kiciyey, ranwaygaas oo dawlada ingiriisku dhistay sanadkii 1958.”

Wasiir Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku ladhay “Wajiga sadexaadna waxa weeye kan hada socda oo isku siman oo isku cel celiskiisu yahay 7.5cm kaas oo ah shaqadii ugu adkayd ah iyada oo shaqaba shaqadii ay ka horaysay ay ka adkayd,Maanta waxa la bilaabay mashruuca madaarka qaybta ugu danbaysa oo ah dabaqii labaad ee la saaray oo ka kooban 4cm, kaas oo ka dhakhso badnaan doona kuwii hore, marka koowaad waa mid siman, waanu ka yar yahay kuwii hore qaabka loo samaynayaana wuu ka khafiifsan yahay kuwii hore,mashruucanu waxaanu rajaynaynaa inuu wakhtigii loogu tala galay ku dhamaado.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa dib u riday mashruucan oo aanu rajaynaynay inaanu wakhti hore dhamayno, iyada oo dawlada iyo kanbanigaba ay dantu ku jirto inuu dhamaado wakhtigii loogu tallo galay, balse caqabado badan ayaa naga hor yimid oo aan la dhaafi Karin kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wakhtiyadii roobka oo keenay inaan wakhti badan la shaqayn, waxa ka mida karasharkii magaalada ee dhagaxa lagu samaynayey oo soo wada saari waayey qadarkii dhagaxa ahaa ee loo baahnaa taas oo keentay in wakhtigii laban laab noqdo, guud ahaan marka laysku daro mashruucu waxa uu u socdaa sidii loogu tala galay.”

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka loo maamulo dhaqaalaha ku baxaya mashruucan, isaga oo tilmaamay inay dawlada Kuwayt gacanta ku hayso dhaqaalaha ku baxaya mashruucan waxaanu yidhi “Mashruucani waxa uu soo maray nidaam habaysan , mashruucana dawladii lahayd ayaa xisaabsanaysa, lacag naloo dhiibayna ma jirto, lacag nalaga xisaabinayaana ma jirto, kanbanigana waxa la xisaabtamaysa dawladii mashruucan bixisay, marka uu kanbanigu sameeyo shaqo 10% ama 5% ah ee ay eegaan engineer-ada ka socda dawlada Kuwayt ee aanu anaguna eegno ayaa lacagta loo soo daayaa, xisaabtana mashruucana si wanaagsan oo sadex geesood ah ayaa loo maamulayaa.”

Salaanmedia/Hargeysa