Dowladda Masar oo qarka u saaran inay hubeyso Alshabaab iyo ONLF. (Aqriso Qoraal Turjuman).

news-image1

Khubaro indha in dheeya Siyaasadaha Africa, ayaa waxa ay sheegen in Dowladda Masar ay xiligaani qarka u saaran tahay inay Hubeyso xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyadda ONLF ee dagaalka kula jirta Dowladda Ethiopia.

Kamaal bin Ali oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo iminka ku nool Magaallada London ee Cariga Dalka Britain, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Masar ay qaati ka taagan tahay Biyaha Niilka, isagoona sheegay in Masar ay dooneyso inay Kooxaha Nabadiidka ay ku kiciso Dowladda Ethiopia sida uu hadalka u dhigay.

‘’Waa arrin halis galinkarta Hanaanka Diplomaasiyadeed ee Dowladda Ethiopia iyo Masar, waxaana la saadalinaaya in Masar ay sidii ku heli laheyd biyaha ugu badan webiga Niil ay adeegsato kooxaha nabadiidka ah’’.

Khabiirka waxa uu sheegay in Masar ay xiligaani u muuqaneysa mid sii galeysa xaalad xun oo dhanka biya, waxa uuna Tilmaamay haddii ay masar weyso biyo ku filan ay shacbiga kala soo horjeysan doonaan Banaanbax iyo inay ka haajiraan dalka.

Dhanka kale, Prof Moamed Adil Salim oo isaguna u dhashay dalka Masar kana mid ah Siyaasiyiinta falanqeysa Siyaasada, ayaa waxa uu Tilmaamay in Dowladda Masar ay caqabado badan kala kulmeyso haddii ay Dowladda Ethiopia ku dhaqaaqdo xiriinka biyaha Webiga Niil, waxa uuna sheegay in Masar sidii ay Biyo badan ku heli laheyn u adeegsaneyso Mucaaradka Ethiopia sida Alshabaab iyo ONLF.

Ugu dambeyntii, Dowladda Masar ayaa waxa ay xiligaani ku dhaqaaqday xoojinta xiriirka kala dhexeeyay Somalia iyadoona dadaal ugu jirto in dhanka Somalia ay ka indha in dheysato Webiga Niil.

 

Xigadho Agency.

Salaanmedia/Hargaysa