Gabay la magacbaxay Sahan…..Maxamuud Cismaan ( Moholin )

MOHOLIN

23 / 6 / 2013

Halkan waxaan ku duubayaa maanso tilmaamaysa

Sida ummadda burburtaa ay dib isugu taagilahayd

Waxa la yidhaa sahan  .

Aan bilaabo

Aadmigu wixii soo maruu.

eegmo geliyaaye

Ma ilaabo  eelkii qagsaday .

Aramidii  siiye

Ayaan tii xumayd iyo dhibtii.

wuu ogsoon yahaye      

Amarkii qorraadaan marnaba.

baaqanayn abide

Arin lagu badbaadiyo haddaan.

loo aqoon dayanin

Indheer garad awoowgii murtile.

odayadii beesha

Aayaha haddaan loo fekerin.

olole dheeraada

Oo aarso xaal kaagu galo.

awdan kaa noqoye

.

Adduun yadan dagaal kii labaad.

 Aafadii curatay

Arxan yari sidii laysu galay.

 Badina loo aasay

Aalad culus jabbaan tuu ku riday .

inanki soo qaaday

Jarmal kiyo iyaga tii labaday.

 Waa ogsoon nahaye

Inkastooy abaal kood heleen.

edebna loo yeelay

Ibir iyo halkii madhan ayay.

ka anba qaadeene

Alleyl iyo dharaar bay farsamo.

wada adeegeene

Orrbiyo hadday aasiyaba.

orod ku dhaafeene

.

Ujeediyo siday doona yeen.

way aflixiyeene

Awoodiyo kartida saamaxdaa.

eegadaa mudane

Waa afgarasho loo wada dhan yahay.

ababin toodiiye

Adyad iyo qalooc bay dhigeen.

kuna agnoolayne

Axdi bay galeen daacad nimo.

loo albaab fura,e

Ood iyo xas bay qaar latahay .

ubaxa beeraaye

Inkaar tiyo xumaan tuna wanaag.

 Ula ekaadaane

Aqoon yahan dar lagu sheegabaa.

Ubadku dhaamaaye

.

Awrtaba haddii sahan la,aan.

Udubka loo giijo

Amin dhexe hadduu rara yidhaa.

 Odaygi reerkaasi

ilmihiyo hadday  maatidii.

 Daba irriishayso

Asqoow iyo inay kala luntaan.

muran ku oognayn

Soo ururin toodana waxbadan .

ehelku raacdeeye

Aqoon uu caqligu raacsan yaa .

oogta shidataane

keligii  isguul bantarayn

qaran amuurtiiye

Adaan oofinayn oo hadhow .

 mari albaab leexsan

(ALRAXMAAN ) kitaabkiisa yaad

 gacanta aad siinin

irdaw iyo sasbaa laga dhaxlaa .

baahidii abide

Waa waxay isugu meerayaan .

 badi inteeniiye

(Alla iyo rasuul )kii ku xidhan.

 Sahanka aad siiya

Waa filin adduunyadu dadkuna

Ay metala  yaane

In kastaa halkay sheegatee

Dhaxal awoow gooda

ilaashada haddaan waana dheer

Jiilba jiil odhanin

Aydiyo dhirtoodiyo haddaan

Ciidda la abqaalin

.

Onkod iyo markii roobku helo

Deeqda (EEBBAHAYA )

Gacamada haddaan loo adkayn

ililihii beerta

siidhkuna idlaaduu ku daro

badaha awleeya

aakhirkana saxaaraha noqdoo

oonku xayanaayo

.

Ishinkaa dhammaan  oo majiro

Ayro iyo geele

Ubadkiinu dibaduu ku lumi

Sida ugaadheede

Imikay rajadu taagan tahay

Aaya nololeede

Ul midaysan uur xaadhanoo

Wada ilmaadeera

Irmaaneeya xoorkii gudhaa

Aamin noqotaane

Ogaysiis haddaa baal martaan

Qoon kalaa imane

 

Maxamuud Cismaan ( Moholin )