Golaha Wakiiladda Somaliland Oo War-bixin ka dhegaystay Wasiirka Xanaanadda Xoolaha

Golaha Wakiiladda Somaliland Oo War-bixin ka dhegaystay Wasiirka Xanaanadda Xoolaha

June 1st, 2013 

Hargeysa (SM)-Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada ee JSL oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ayaa maanta warbixin ka dhegaystay Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee JSL Md Cabdi Aw Daahir.

Md Cabdi Aw Daahir waxa uu xildhibaanada u sharaxay qiimaha iyo muhiimadda ay xoolaha nool u leeyihiin bulshada aadamaha gaar ahaan dadka reer Somaliland, isagoo tilmaamay in shaqo abuurka dhalinyarada iyo dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah nolosha maalmeed ay ku xidhan yihiin xoolaha nool.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha oo sharraxayey daraasadaha laga sameeyey saamaynta ay xoolaha nooli ku leeyihiin dalkan JSL ayaa sheegay in 85% lacagta adag ee Somaliland soo gashaa ay ka timaaddo xoolaha nool, halka 75% shaqooyinka dadku hayaana ay lug ku leeyihiin xoolaha nool ee aynu dhaqano,

Md Cabdi Aw Daahir waxa uu xusay in Somaliland ay sanadkii 2011 dibadda u dhoofisay xoolo nool oo gaadhaya sadex milyan iyo boqol kun oo neef, sanadkii 2012-kana ay Somaliland dhoofisay xoolo nool oo adhi u badnaa kuwaasoo tiradoodu gaadhayso sadex Milyan.

Intaa ka dib wasiirku waxa uu mudanayaasha baarlamaanka xasuusiyey qaab dhismeedka wasaaradiisa oo ka kooban afar waaxood oo kala ah Waaxda maamulka, Waaxda xoolaha, waaxda wax soo saarka iyo waaxda qorsheynta. Iyadoo miisaaniyad sanadeedka wasaaraduna gaadhayso hal milyan iyo labo boqol kun oo Doollar, ayna ka hawlgalaan shaqaale gaadhaya 256 ruux una badan dhakhaatiir xanaanada xoolaha kuwaasoo ka soo baxay jaamacadaha dalka iyo kuwo dibadeedba, 50% ka mid ahna la shaqaalaysiiyey mudadaii labada sano ahayd ee u dambaysay.

Mudanayaasha qaarkood ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan dhinaca seerayaasha , isagoo wasiirku sheegay in ay wasaaradda deegaanku u xilsaaran tahay hawlaha maamulka iyo maareynta seerayaasha.

Salaanmedia/Hargeysa

Â