Guddoomiyaha Komishanka HIV -ADIS-ka Oo Warbixin Ka Siiyay Golaha Wakiiladda Heerka Uu Marayo

June 24,2013 Hargaysa(SM) Guddoomiyaha Komishanka HIV -ADIS-ka Somaliland Maxamed Daahir Khayre ayaa warbixin ka siiyay mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland heerka uu maraayo xanuunuka ADIS ku waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in lcidhibtiro xanuunka oo dunida khatar ku ah .

 Gudoomiyaha ayaa sheegay in xanuunka HIV ADIS laga ogaaday dalka sanadkii 1992 iyada oo laga helay markii ugu horaysay Gobalka Saaxil Magaalada Barbara, waxaana uu maraayay (0.9% ) iyadoo lagabaadhay (31,500) oo qof sanadkii 1999 waxaa u maraayay (1.4%)waxan uu sidoo kale maraayay sanadkii 2004-2007(1.1% )iyadoo sanadkii 2010 laga baadhay dadka badan (38,500) oo qof waxaana uu maraayay 5%. Sidoo kale waxa uu faafaahin kabixiyay dadka xanuunka galmada ku qaaday waxay aahaayeen 12.3% sanadkii 2004 sanadkii 2007 waxay ahaayeen (6.3% )sanadkii 2010 waxay ahaayeen (7.0%.) Waxana uu sidoo kale gudoomiyuhu faafaafin kabixiyay qaabka loo kalaqaado cudurka HIV –ADIS ka isa goo tilmaamay in xanuunkan lagu kala qaadi karo galmada isagoo qof qabaa utago qof aan qabin iyo iya doo lagu shubo dhiig laga so shubay qof qaba oo lagu shubo qof aan qabin ,waxaana uu yidhi gu doomiyuhu sidan “waxaa lau kalaqaadaa galmada ,shaahwada, dhiiga ,caanaha hooyada oo uu jaqo ilmuhu”.

Waxaana uu sidoo kale sharaxaad kabixiyay wax yaabaha aan lagu kala qaadin cudurka HIV-ADIS ka waxana uu yidhi “ xanuuunka HIV – ADIS ka laguma kala qaado ilmada, candhuufta ,kaadida ,saxarada ,nefta , waana lala seexankaraa waxna waalala cunikaraa ,waana lasalaalmikaaraa qof ka qaba xaanuunka” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka ADIS-ka Somaliland Maxamed Daahir Khayre. Gudoomiyuhu waxaa uu sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland inay kala qayb qaataan xanuunka maadaama ay bulshada masuul kayihin waxaana uu yidhi sidan “waxaan maanta halka idiinka faah-faahiyay xanuunka HIV –ADIS oo khatar ku ah bulshadeena muhiimada koobaad ee aan idinku nimid waa sidii ad u ogaa lahaydeen heerka uu araayo xanuunkani talabaadna waa sidii aad nagala qaybqaadan lahaydeen maadaama aad idinku bulshada wakiil uga tihiin xukumada”

Salaanmedia Hargaysa

Source waaheen