Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Qurbejoogta Xisbiga WADDANI.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Qurbejoogta Xisbiga WADDANI.

9b67273ad508ef65b45b006db10b7a73_L

Hargeysa(SM) June06, 2013 – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadhimo-sharafeed casho ah ku maamuusay qurbe jooga taageera xisbiga WADDANI ee dalka ku sugan.

Casho sharafeedkan gudoomiyaha xisbiga WADDANI kusoo dhaweeyey qurbejoogta ayaa waxaa lagu qabtay huteel Ambassador ee magaalada hargeysa.

Gudoomiyaha oo ugu horayn hadal kooban ka jeediyey madashan casho-sharafeedka ah ayaa qurbejoogta xisbiga WADDANI uga warramay xaalada dalka iyo xisbiga isaga oo tilmaamay inuu si kal iyo laab ah kusoo dhaweynayo qurbe joogtan soo booqday dalkoodi hooyo.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo isna madasha hadal kooban ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday doorka ay qurbejoogtu kaga jiraan qarankan Somaliland iyo xisbiga waddaniba.

Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo isna goobta ka hadlay ayaa bidhaamiyey mustaqbalka Somaliland iyo xaaladaha siyaasadeed ee geeska Africa iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland isaga oo xusay in qurbejoogtu yihiin laf dhabarta Somaliland.

Siyaasi Qaasim sheekh ayaa isna tilmaamay inay muhiim tahay in qurbejoogtu aad ugu dadaalaan hirgalinta magaca Somaliland iyo gooni isutaageedaba si aynu aduunka ugu yeelano saaxiibo tirobadan isaga oo carrabka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay qurbe joogtu ka qaadankaraan hirgalinta himilada Somaliland.

Caasha xuseen maraykan oo iyaduna ka mid ah qurbejoogta xisbiga WADDANI oo hadal ka jeedisay madasha ayaa tilmaantay inay gudoomiyaha iyo xisbiga WADDANI uga mahadcelinayaan casho sharafeedkan iyada oo xustay in qurbejoogtu si hagarla’aan ah ula shaqayndoonaan xisbiga WADDANI.

Ugu dambayntii qurbe joog tiro badan oo madasha ka hadlay ayaa dhamaantood waxay xuseen doorka muhiimka ah ee ay ka qaadankaraan in xisbiga WADDANI hogaanka u qabto Somaliland iyaga oo gudoomiyaha xisbiga WADDANIna uga mahadceliyey soo dhawaynta diiran.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Hargeisa.